Magaalo Ka Mid ah Magaalooyinka Somaliland oo Laga Dhigay Mudaharaad ka Dhan ah Qorshe Xukuumadu wado
Oodweyne 29. March 2017 (SDN/QJ):- Mid ka mid ah Deeganaada Somaliland ayaa sida wararka halkaasi naga soo gaadhayaan ay sheegayaan in uu ka dhacay Mudaharaad aad u balaadhan.
Mudaharaadkani oo ay dhigeen dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Oodwayne ee xarunta gobolka Daad madheedh ayaa ujeedadiisu daarnayd diidmo ay ku muujinayeen in aanay ogolayn in deeganaadaasi laga bilaabo sahamin Shidaal baadhista oo dhawaan madaxwayne Siilaanyo Daah furey.
Mudaharaadka ayaana ka bilaabmey ka dib markii ay Odayaasha Degaanka hore loogu wargaliye in uu imanaayo Madaxwayne Siilaanyo basle waxa loo direy Koox Wasiiro ah,arintaasi oo ay ka cadhoodeen Qorshihii hore loo sheegay oo lagaga baxay.
Dadwaynaha isku soo baxa sameeyey ayaa waxa ay ku doodayaan in aan waxgaradka iyo cuqaasha deegaankaasi aan waxba laga waydiin arimaha isla markaana shaqaalaha ka hawl galaya laga soo waaridey deegaano kale halkii ay iyagu deegaan ahaan xaqa u lahaayeen.
Ma jiro wax khasaare oo ilaa haatan la sheegay in uu ka dhashay Mudaharadkaasi.
Dhawaan ayay ahayd markii isla deegaano hoos yimaada Degmada Oodwayne uu ka dhacay iska hor imaad dhex maray Ciidamo ilaalinayay Kooxda shidaalka baadhaysay iyo sidoo kale Kooxo hubaysan oo dadka deegaanka ah.