|

Magaalo Cusub oo la Dejiyay Barakacayaasha iyo Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo ka Qayb galay SAWIRO

Hargaysa 23.Feb 2014 (SDN)- Madaxwayne ku xigeen ka Jamuuriyada Somaliland mudane cabdiraxmaan c/laahi Ismaaciil, (Saylici). waxaa madaxwayne ku- xigeenka ku wahelinayay  wasiirka dib u  dejinta, Maayarka caasimada hargaysa ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23-02-2014,  ka qayb galay xaflad loo qabtay  furitaanka magaalo cusub ee la dejiyay dadkii Baraka-cayaasha ah ayaa waxay ku talaa duleedka koonfurta xaafada Maxamed Mooge magaaladaas oo loogu magac daray  Xaaji Cumar  Digaale.

 

Baraka-cayaashan oo ay tiradoodu  dhan tahay 829 qoys  ayaa haatan  700 ka mid ah qoysaska halkaa  degay  ayaa waxay u dhiseen dhismayaal ay kaga hoydaan dabaysha iyo cadceeda inta kalena ay 6-da bilood ee soo socda ay u samayn doonaan dhismayaal  dhismayaashan oo ay iska kaashadeen  dowlada hoose hay’adaha  UN-ta ,Wasaarada  dib u dejinta  iyo local NGO’s.

IMG_0073 IMG_0074 IMG_0078 IMG_0087 IMG_0090 IMG_0093 IMG_0097 IMG_0098 IMG_0116 IMG_0127 IMG_0131 IMG_0139 IMG_0149 IMG_0152 IMG_0161 IMG_0175 IMG_0192 IMG_0193 IMG_0198 IMG_0199 IMG_0205 IMG_0209 IMG_0210 IMG_0214 IMG_0218 IMG_0231 IMG_0242

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed