|

Magaalo Caan Ka Ah Dunnida Oo Labo Cisho Gudahood Lagu Dilay Dad Ka Badan Boqol Ruux

Chicago 07. July 2017 (SDN/QJ):- Dad tiradooda lagu sheegay 120 ruux ayaa lagu toogtay magaalada Chicago ee dalka Maraykanka tan iyo 4-tii bishan oo ahayd maalintii xoriyadda ee dalkaas.

Sida uu ku warramay wargayska Chicago Tribune. Ku dhawaad kala bar toogashadaasi waxay dhacday 12 saac gudahood, iyadoo qofka ugu da’yar uu ahaa wiil 13 sano jira halka qofka ugu da’wayna uu ka ahaa nin 60 jir ah.

 

Madaxweya Maraykanka Donald Trump ayaa dhawaan sheegay in uu xubno faderaal ah u dirayo Chicago si ay booliiska magaalada gacan uga siiyaan wax ka qabashada weerarrada burcadda iyo dembiyada abaabulan.

 

Inkastoo booliiska Chicago lagu xoojiyay 1,000 askari oo dheeri ah haddana si buuxda umayna xakamaynin dhibaatada.

 

Dadka ay waxyeeladu soo gaartay sannadkan ayaa ka badan kuwii dabaaldegga xorriyadda ee 2016-kii markaas oo 66 ruux lagu toogtay gobolkaas.

 

Dadka lagu toogtay magaalada Chicago sannadkan 2017-ka ayaa noqonaya in ka badan 1,800 balse laakiin xaaladdu uma xuma siddii ay sannadkii hore markii la marayay wakhtigan oo kale toogashadu ay gaartay 2,035 ruux sida booliska magaaladaas ay ku sheegeen tirakoob ay saareen.

Comments are closed