|

Magaaladda Hargaysa Waxaa Ka Jira Idaacad Wareegta Maxaa Ka Mid ah Shaqooyinka ay Qabato? DAAWO

Hargaysa 08. June 2017 (SDN/QJ):- Idaacada Wareegta Luuqada Qalaadna Lagu yidhaa Radio Mobile Waxay ka Jirtaa Magaaladda Hargaysa Waa idaacad Shakhsiga wadaa uu ku Jeeni qaaran Yahay Mikrifoon uu Ku naadiyo amase Ku Xayaysiiyo agabka kala duwan ee dalka Yimaada.

Markaad Maqasho Idaacad Waxaa Maskaddaada ku soo dhacaya Idaacad laga Hadlo oo Shaqaale la leh Isla markaana Leh Xarun loogu soo hagaago hasa yeeshee tani way ka duwan tahay waa Mid wareegta waxa qalab u ah Mikrifoon ku shaqeeya Baytariyo,Shakhsiga Hawshan wadaa ma adeegsado gaadhi u gaar ah Laakiin Cagtiisa ayuu Miciinsadaa oo Kolba ku tagaa halka uu is leeyahay dad badan ayaad ka helaysaa oo danaynaya waxa aad Xayaysiinayo nooca ay doonaanba ha ahaadaane.

Saleebaan Aadan Maxamud Waxa uu Ku Magac dheer Yahay Idaacada Wareegta Waxa uu Xogwarankan Siiyay Barnaamijka baro oo Ku dayo Muwaadinkaaga Danta Guud waxa weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay ee uu soo Saaro aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin.

Ugu Horayn Saleebaan Aadan Maxamud Waxa uu ka Jawaabay goortii uu dhashay halkii uu ku dhashay iyo Deegaanadii uu ku soo barbaaray ‘’Waxaan Ku dhashay Degmada Balli Dhiig ee Gobolka Togdheer Sannadkii 1965 Waxaan Waxbarashadayda Ku soo qaatay Magaalooyinka Marka iyo Muqdisho ee dalka Somalia’’

Saleebaan Wuxuu Sheegay oo Kale inuu ka Mid ahaa arday Sannadkii 1982kii Tababar ku soo qaatay Idaacada Radio Muqdisho oo uu u qaabilsanaa Dhinaca Xayaysiisyada,Waxaanu xusay inuu aad u xiisayn Jiray Shaqadan Waxaa kale oo uu xusay inuu yahay Hal abuur curiya suugaanta taasina ay qayb ka qaadatay inuu ku dhiirado Shaqadan uu Maanta hayo.

Saleebaan Aadan Waxa uu ka hadlay Sababtii Ku dhalisay inuu Sameeyo Idaacad Wareegta iyo Ujeedooyinka uu Ka Leeyahay Waxaanu Yidhi ‘’ Shaqadan Waxaan ka bilaabay Magaaladda Hargaysa Waxaan ka fikiray Sidii aan u samaysan lahaa fursad Shaqo oo noloshayda iyo ta qoyskaygaba aan ku dabaro Waxaa kale oo Ujeedooyinkayga ka mid ahayd sidii Magacaygu Caan uga noqon lahaa Caalamka,waxaan Shaqadan Bilaabay Sannadkii 2003-dii Waxaa Kale oo aan Tusaale uga dhigayaa anigoo maanta ah qof Waayeel ah Sidii aan Dhallinyaradda u hoga tusaalayn lahaa inay Shaqo abuurtaan,Waxaynu og nahay in Sida ay Dhallinyarada Xooga ahi u Shaqaystaan uu ku Xidhan yahay Horumarka aynu higsanayno’’

Saleebaan Aadan Maxamud Waxa uu Xogwarankiisa Ku Sheegay oo Kale in Idaacada Wareegtaa aanay qaban oo keliya Xayaysiiska balse waxa uu xusay inuu bulshada u qabto adeeg ay ka mid yihiin inuu u baafiyo qofkii ay wax ka Lumaan iyo arrimo kale.

Xogwarankan oo aad u dheeraa waxa uu Saleebaan Aadan kaga hadlay Hankiisa ku aadan Mustaqbalka dhow iyo ka fog.

Comments are closed