Magaalada Wajaale Xarun Ganacsi iyo Dariiqa Tahriibayaasha Nafahooda Biimaynaya “Warbixin Shabakada Qurbejoog.com”
Wajaale 14.Sep 2013 (SDN)- Xaqiiqdii Inkastoo Magaaladani tahay Magaalo Xuduudeed u dhaxaysa laba Wadan oo deris ah,dadka ku nooli ay Jinsiyado kala duwan leeyihiin hadana waxaa Midaysa afkaar ganacsi,Sannado ka Hor waxay ahayd Degsiimo bulshada iyo Dhismuhuba ay Teel Teel ku yihiin maantase xaaladu sidaa way ka duwan tahay.
Waa Magaalo uu kordhay dhismayaasha kala duwan ha u bataan kuwa Ganacsiguye waa Magaalo ay Jihada bari Maamusho Somaliland halka qaybta kalena ay ka taliso dawlad deegaaneedka Somaalida Itoobiya,Waa Magaalo Shuruucda lagaga dhaqmaa ay kala durugsan yihiin, Waa Magaalo hadii dhinaca Somaliland Khamriga iyo Wixii la Midka ahi ay ka Yihiin Maandooriye qofka lagu qabtana Sharciga la hor gaynayo,Sidoo kale hadii dhanka Itoobiya ay maamusho aad u Talawdo uu Maandooriyuhu fasax u yahay waxayse ka Midaysan Yihiin la dagaalanka Kotorobaanka oo Wax walba kaga Culus waxaa ka dhisan laba Maamul oo sida la ii sheegay aan lahayn Xidhiidh Iskaashi oo Mug leh Tusaale ahaan hadii lagaa qabto dhanka Itoobiya adiga oo aan fasax u haysan amase lagu aqoonsan waayo waxaa Suuro gal ah inaad la Kulanto Ciqaab daran balse dhanka Somaliland sidaas ma aha Qofkii soo Khaldama waa la Toosiyaa waxaana loo saxaa dhinaca uu u socdo.
Waxaa Hay’adaha Amaanka ee labada dal Maamuladooda dhibaato aan Xal loo helin ka haysta dhalinyarada Sifaha Sharci darada ah ugu Talaabaysa Wadanka Itoobiya ee ka Imanaya Dhanka Somaliland waayo waxay adeegsadaan Tabo iyo Xeelado ay ku Jiho wareeriyeen Ciidamada labada dal.
Dhallinyaro Kooxo Kooxo u socda ayaa si dhuumaalaysi ah ugu talaaba dhinaca wadanka Itoobiya qaarkood waxay Miciinsadaan inay Masaafo dhawr Km ah lugeeyaan hasa yeeshee fursada ugu weyn ee ay ka faa’iidaystaan ayaa la iigu sheegay Gaadiidka Qaadka oo marka ay ku laabanayaan dhanka Itoobiya ay dhallinyaradani sii kiraystaan maadaama Sharciga Itoobiya uu fasaxayo inaan la baadhin gaadiidkaas oo dhaqaale xoogan soo geliya dalkooda waxay dhalinyaradani dalewarada siiyaan qadar lacagta Birta Itoobiya iyagoo si toos ah u geeya Magaalada Jig Jiga ee Xarunta dawlad deegaaneedka Somalida Itoobiya halka ay qaarkoodna siiba dhaafaan iyagoon la Kulmin wax fatashaad ah.
Sidoo kale Musuq maasuqu waa caado xidido fog ku yeelatay Guud ahaan qaaradan Africa waxaa dhalinyaradan inta ay Joogaan Magaalada Tog wajaale ay helaan Taysarada amase Mustawaqaha Itoobiya taasina waxay ka qaadaa Caqabad ay baqashadeeda qabeen.
Waxaad ku arkaysaa Magaalada Wajaale da’a yar badan oo ka kala yimid Deegaamo badan oo Somaliland ah amase Somalia oo qorshaha ugu weyn ee ku talo galkoodu yahay inay Magaaladaas ka Bilaabaan Jidka dheer ee dhimashadu ka horayso ee Tahriibta .
Waxaan ku soo Arkay Tog Wajaale dhallinyaro Kooxo Kooxo ah oo laga soo qaaday Xuduuda ay wadaagaan Itoobiya iyo Suudan iyagoo u Jihaysan dhanka Liibiya si ay halkaas uga raacaan doonyo geeya qaarada Yurub oo ay aaminsan yihiin inay ka helayaan nolol dhaanta tii dalkooda .
Waa Hooyo ku Muusanaabaysa Aragtida wiilkeeda oo laga soo qabtay Xuduudaas durugsan waxay la amakaagsan tahay sida uu Ilmaheedii Maalmihii uu ka maqnaa uu ugu dhacay Isbedelka Duleed “Alla Hoogay Hooyo Sawdigan Dhuubtay ma sidaas ayaad dan moodaysay,Ma Og tahay wixii aniga iyo aabahaa na kala gaadhay intii raacdadaada lagu jiray” Wiilkani inkastoo aan Magaciisa ka Xasuusto Xamse hadana waxa uu Cod hoose hooyadii ugu Hal Celiyay “Dee Hooyo waxaani waa iska caadi ee hadalka hoos inoogu dhig”.
Or iyo Baroor ayay mar kaliya hooyadani Miciin biday iyadoo ku Tiraabaysa Weedho Naxdin ay oohini ku lamaan tahay indhaheeda ka da’ayaan “Xamse Hooyo ma sidaas ayaa Caqligaagu ku siiyay waar hadaad dhimato sidee ayay nolosha Reerkiinu noqonaysaa”.
Maan awoodin inaan wax duubo waayo sharciga Itoobiya waa ka Mamnuuc in Weriye aan ruqsad sidan uu ka hawl galo Itoobiya waxaan door biday inaan dhuuxo hadalada la is dhaafsanayo si aan u helo xog Min qiyaas iigu noqota kala fogaanshaha afkaaraha Ubadka iyo Waalidkood.
Wajaale SDN.
Qurbejoog.com