Magaalada Newport ee dalka Wales oo dooratay xildhibaan Somaliland ka soo jeeda oo UK ku dhashay
Newport Nov 21,2013(SDN)-Magaalada Newport ee dalka Wales ayaa kolkii u horeysay u doortay xildhibaan gollaha degaanka ah shakhsi asal ahaan ka soo jeeda Somaliland.
Xildhibaan Cumar Cali oo 46 jir ah ayaa ku dhashay magaalada Manchester ayaa Degmeda Pill ee magaalada Newport laga soo doortay.
Xildhibaanka ayaa aabihii Axmed Cali degaanka u soo wareegay sanadii 1960kii isaga oo ka yimi Somaliland oo xiligaa aheyd maxmiyad British ah.
Xildhibaan Cumar ayaan intaanu siyaasada ku biirin sanado u shaqeynayay ururada bulshooyinka ee ay dawlada Wales maalgeliso ee First organisation.
“Soomaalida ayaa Wales jooga mudo ku siman 100 sanadood,balse halkan uguma badna sida Cardiff”ayuu yiri.
Xildhibaanku waxa uu sdoo kale hoosta ka xariiqay faaiidada ay bulshooyinka laga tirada badan yahay ee ku nool Wales.
“Waxa ay ku siineysa ka qeybgalka bulshada ee masiirka umadda,waxaanad ka mid tahay bulshada halka aad qaariib ku ahaan laheyd degaanka aad ku nooshahay”ayuu yiri xildhibaan Omar Cali.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in uu u adeegi doono guud ahaan bulshada Pill isaga oon u eegi doonin asalkoodu waxa uu yahay.
SDN-Newport
contact@somalidiasporanews.com