Magaalada Muqdisho Oo Laga Mustaafuriyey Laba Nin Oo U Dhashay Dalka Kenya
Muqdisho 16.March 2017 (SDN/QJ):-Ciidammada Laanta Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, ayaa Shalay Magaalada Muqdisho ka Musaafurisay labo Nin oo u dhashay Dalka Kenya, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay Sharci-darro ku joogeen halkaasi.
Labadan nin ee la masaafuriyay ayaa waxaa gacanta ku dhigay saraakiil ka tirsan Ciidammada Laanta socdaalka qeybteeda dabagalka, waxaana maanta dib loogu celiyay dalka Kenya.
Muwaadiniinta Kenyaanka ah ee la masaafuriyay ayaa sidoo kale laga mamnuucay in ay dalka dib ugu soo laabtaan, waxaana ay ku wargelisay Hay’adaha kala duwan inay ka foogijnaadaan.
Muwaadiniin badan oo Kenyan ah ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo la shaqeeya hey’ado kala duwan oo badankood ka howlgala garoonka diyaaradaha iyo xerada Xalane.