Magaalada Muqdisho Oo Laga Digay In Lagu Dhigo Xuska Ciidda Kirismiska iyo Laamaha Ammaanka Oo Amar La Siiyay
Muqdisho,22Dec,2015(QJ/SDN)-Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumada Soomaaliya ayaa ka digtay in Magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabado lagu xusayo Ciidda Kirismaska , oo dhawaan dadka gaalada ay ku xusayaan meelo badan oo caalamka kamid ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Maxamed Kheyroow ayaa sheegay in Arrintaan haddii Umadda Soomaaliyeed ay sameeyaan ay wax badan U dhimayso Caqiidadooda, isagoo soo jeediyay in laga feejignaado xuska Ciida Gaalada.
Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumada Soomaaliya ayaa amar ku siisay laamaha amaanka inay ka hortagtagaan isku Dayo lagu Abaabulayo Xuskaas oo la sheegay in lagu qabanayo Hoteelo iyo goobo kale oo kuyaala Muqdisho.
Kooxo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay abaabulayaan in Hoteelo kuyaala Magaalada ku qabtaan munaasabado lagu xusayo Ciidda Kirismaska , waxaana arimahan si weyn uga soo horjeestay culumada iyo shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.