|

Magaalada Laascaanood:Faahfaahin ka soo Baxaysa Afar Ruux oo Ku Sumoobay Cunto ay Isticimaaleen

Laascaanood 19.October 2016 (SDN/QJ):- Ugu yaraan afartan qof oo ahaa shaqaalaha beero ku yaalla deegaanka Dalyare oo abbaaro 30-km magaalada laascaanood kaga beegan dhinaca Bari, ayaa ku sumoobay cuntooyin ay cuneen, waxana gurmad ahaan loo keenay cisbitaalka Manhal ee magaalada laascaanood ku yaalla.

 

dad-cusbitaalka-booqanayaAfarta qof ee sumoobay oo dhammaantood rag ahaa, ayaa la sheegay inay isticmaaleen cunto hal meel lagu kariyey, waxana xaaladooda caafimaad la tacaalay dhakhaatiirka cisbitaalka Manhal ku sugan, iyada oo wararku sheegayaan inay haatan ladnaadeen.

 

Sida uu warbaahinta u sheegay mid kamid ah dhakhaatiirta cisbitaalku, waxa ay raggaasi ku sumoobeen weel ay cunto ku cuneen, kaas oo la filayo inuu inuu ahaa mid ay ka dhammaatay kiimikooyinka dalka lagu soo waaridaa.

 

Dhakhtarka  oo isaga oo ku sugan cisbitaalkii uu ku daaweeyey ragga sumoobay ka hadlaya arrimahaas, ayaa waxa uu yidhi, “casarkii waxa cisbitaalka la keenay afar nin oo ku sumoobay cunto ay ku qadeeyeen deegaanka Dalyare, kuwaas oo qaarkood koomo ku jireen, laakiin markii gargaar degdeg ah loo sameeyey way ladnaadeen, nimankanina xaafad bay ka wada qadeeyeen oo ku wada sumoobeen, meeshana waxa muuqata inay jirto khatar ah inay dadku sumoobaan, weliba ka dhalankarta weelka la isticmaalo oo kiimikadu ku jirto oo iyada oo aan si fiican loo maydhin la isticmaalo, bulshaduna waxa ay u baahan tahay wacyigelin iyo inaanay weelkaas isticmaalin.”.

 

Hore ayey u dhacday in qoys dhammi sidan oo kale ugu sumoobeen cunto ay isticmaaleen isla deegaankaas, waxana suntaas loo aaneeyey mid ka dhalatay weelka ay cuntada ku isticmaaleen oo ahaa mid hore sun loogu keenay oo aan si fiican loo maydhin.

Comments are closed