Magaalada Laascaanood oo uu ka Bilaabmay Hawl galka Ololaha Talaalka Dabaysha
Laascaanood 19.October 2013 (SDN)- Magaalada laascaanood xarunta Gobolka Sool waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu bilaabay wacyigelinta talaalka Polio-da ama dabaysha kaasoo 21 bishan si rasmi ah uga bilaaban doona guud ahaan jamhuuriyadda Somaliland.
Kulan balaadhan oo lagu furayey wacyigelinta talaalkaasi oo ka dhacday xarunta Dawladda hoose ee magaalada Laascaanood ayna ka soo qayb galeen ku xigeenka badhasaabka gobolka iyo Mayorka magaalada laascaanood Md Cabdiqaadir jaamac Saalax, hawleadeenada caafimaad ee Gobolka iyo shaqaalaha talaalka fuliya ayaa waxa hadal ka jeedisay Marwo xaliimo xasan oo ah madaxa talaaalka gobolka Sool, iyadoo si weyn u faahfaahisay ujeedada ka dambaysa talaalka ka hortagga cudurka dabaysha.
Madaxa talaalku waxa ay sheegtay in sanadkan ka hortagga cudurka Polio-da ama dabaysha laga talaalayo dhamaan dadweynaha oo ay ku jiraan dadka waaweyn oo la ogaaday inay sidi karaan Virus-ka dhaliya cudurka dabaysha.
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sool Md C/rashiid ayaa halkaasi ku qaatay labadii dhibcood ee u horeeyey ee talaalka dabaysha ah taasoo astaan u noqonaysa inuu bilaabmay ololihii talaalka dabayshu.
Laascaanood SDN.
Qurbejoog.com