|

Magaalada Laascaanood oo lagu qabtay Kulan lagu Gorfaynayay Qorshaha Maamul ee Heer Gobol

Laascaanood 12.Sep 2013 (SDN)- Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sool ahna Ku Simaha Gudoomiyaha Gobolkaas C.rashiid Xirsi Dalmar ayaa  tababar u soo xidhay qaar ka Mid ah Maayarada Degmooyinka Gobolka Sool, iyo Mas’uuliyiinta Hay’adaha dawlada.

Tababarkan oo ku saabsanaa sidii loo taabo gelin lahaa qorshaha Maamulka Hay’adaha dawlada ee degmooyinka Gobolka Sool waxaa hirgalintiisa si wada jir ah isaga kaashaday Wasaarada Biyaha,Hay’adaha Caritas iyo Ururka Wadaniga ah ee Seda.

iiiKu simaha Gudoomiyaha Gobolkaas C.rashiid Xirsi Dalmar ayaa Tilmaamay ahmiyada uu Kulanka Noocan oo kale ahi u leeyahay dar dar gelinta Hawlgalada dawliga ah si ay bulshadu u hesho adeegii ay Laamaha kala duwan ee dawladu u qabtaan.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sool ahna ku Simaha Gudoomiyaha Gobolkaasi waxa uu sheegay inay lama huraan tahay sidii loo yeelan lahaa Qorshe Horumarineed oo ay ku shaqeeyaan Maamulka dawliga ah isla markaana fududeeya in laga Midho dhaliyo Himilooyinka uu Gobolka Sool higsanayo maadaama sida uu Yidhi uu ka dib dhacsan yahay inta badan gobolada kale ee dalka .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Madax ka socotay Wasaarada Macdanta,Hay’ada Caritas,Ururka Seda iyo Xubno ku hadlayay afka ka qayb galayaasha Kulan hawleedkaas oo cadeeyay baahida loo qabo helitaanka qorshe ay si dhab ah ugu wada shaqeeyaan.

Kulankan ayaa noqonaya kii 1aad ee Noociisa ah ee lagu qabto Magaalada Laascaanood Inkasta oo aan laga soo saarin Qorshe ku talo gal oo Bartilmaameed u noqda hawl galada Maamulka Dawliga ah.

Laascaanood SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed