Magaalada Laascaanood Oo Horumar Ka Sameynaysa Adeegyada Dhanka Caafimaadka.
Laascaanood,13Oct,2015(QJ/SDN)-Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sannadihii u dambeeyay waxaa kusoo badanaya xarumaha caafimaad ee bulshada kaalmada caafimaad u baahan loogu adeegayo.
Goobaha shantii sannadood ee lasoo dhaafay laga yagleelay magaalada ayaa waxaa ka mid ah, MANHAL Hospital ,Al-Hayat Clinical, Muna Labatory iyo afar MCH oo Xukuumadda Somaliland Dhistay Oo u adeega hooyada iyo dhalaanka. Waxaana lagu qalabeeyay qalab caafimaad oo aad u tayo badan, intiisa badanna laga keenay dalka dabadiisa.
Xarumahan caafimaad ayaa ah kuwo intooda badan dabooley adeegyada caafimaad oo inta badan loo doonan jiray magaalooyinka Hargaysa, Garoowe, Boosaaso iyo kuwa kale.
Isbitaalka weyn ee Laascaanood oo ugu da’ weyn xarumaha caafimaad ee ka jira magaalada ayaa illaa iyo hadana waxaa loogu adeega si hagar la’aan ah bulshada, iyadoo mudooyinkii u dambeeyay lagu sameeyay dib u habayn badan oo soo ay ka mid tahay waddo laami ah oo isku xidhaysa magaalada.
Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaana door laxaadleh ka qaadatay horumarka dhanka adeegyada caafimaadka ee CIsbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood.
Sidoo kale, Isbitaalka MANHAL oo ka mid ah xarumaha caafimaad ee ugu fir-fircoon ayaa maalmihii u dambeeyay ka socoday baadhitaanno caafimaad oo indhaha ah, halkaasoo 15-ka bishaan qalinka indhaha ah billaabi doono, mana aha markii ugu horreysay ee qaliin kan oo kala ah lagu fuliyo xaruntan.
Ugu dambeyntii, horumar caafimaad ayaa ka jira gobolka, kaasoo deegaannadan kusoo kor-dhiyay daryeel caafimaad oo tayo leh, iyadoo ay xusid mudan tahay inay soo kordhayaan xarumaha caafimaadka, gaar ahaana kalkaaliyeyaasha caafimaad oo tiro aan yarayn ay sanadkan ka qalin-jabiyeen. Geesta kale xukuumadda Somaliland ayaa si weyn ugu hawlan horumarinta arrimaha bulshada oo caafimaadku muhiimada koowaad ka yahay, waxaana la odhan karaa waa markii ugu horaysay ee abid magaalada Laascaanood horumar intaas leeg ka gaadho dhanka adeegyada caafimaadka.
QJ/SDN: Hargeysa
Laascanood live