Magaalada Kismaayo oo amnigeeda la Sugay iyo Saraakiil ka hadlay
Kismaayo 08.Sep 2013 (SDN)- Saraakiisha maamulka KMG ah ee Jubba ayaa shaaca ka qaaday in ay ku guuleysteen xaqiijinta ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose.
Macallin Maxamed Ibraahim oo ah sarkaalka maamulka Jubba ugu sarreeya dhinaca amniga ayaa sheegay in ciidanka booliska ee maamulka ay fashiliyeen weerarro ay qorsheynayeen al-Shabaab, ayna sidoo kale gacanta ku soo dhigeen hub iyo maleeshiyaad ka tirsan Shabaab.
Macallin Maxamed ayaa intaa raaciyay in kol dhow ay gacan bir ah ku qaban doonaan kooxaha xilliyada qaar falalka amni darrada ah ka geysta magaalada Kismaayo, isagoo shacabkana ka dalbaday in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka.
Dhinaca kale, macallinka ayaa hoosta ka xarriiqay in dayactir ay ku sameeyeen saldhigga magaalada Kismaayo, ayna u dhammeystireen xafiisyadii uu ku shaqeyn lahaa.
Kismaayo SDN.
Qurbejoog.com