|

Magaalada Jigjiga oo lagaga wada hadlayo dagaalka xuduudda Soomaaliya-Itoobiya

Jigjiga 07.June 2015 (SDN/QJ)- Wada-hadallo u dhexeeyo wafdi dowladda Soomaaliya oo shalay tagay magaalada Jigjiga iyo xubno ka tirsan Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa ka furmay magaaladaas.

JigjigaWada-hadallada ayaa ku aaddan xal u raadint dagaallo  xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhexmaray ciidamada Liyuu booliis iyo dad deegaanka ah.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Wehliyo (Cirfo), ayaa sheegay  in  kulan hordhac ah oo la yeesheen madaxweyne ku xigeenka DDSI iyo mas’uuliyiin kale kala hadleen dhibaatada ka dhalatay dagaallada iyo sida dhinacyadu wadajir uga qeybqaadab karaan joojintooda.

Cirfo ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Booliis ay dhibaato ku hayaan dadka ku nool xuduudda labada dal.

Wafdiga dowladda ee ku sugan Jigjiga oo uu hoggaaminayo wasiiru-dowlaha madaxtooyada, Mahad Maxamed Salaad ayaa la filayaa in ay halkaas sii joogaan tan iyo inta dhinacyadu isku raacayaan barnaamij nabadeed oo la dhex-dhigo kooxaha dagaallamay.

Dad ka badan 50 qof ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhinteen dagaalka soodhinta oo socday labadii toddobaad ee u dambeysay.

Comments are closed