|

Magaalada Hargeysa oo yeelatayXaafad dumarka lagu ugaadhsado

Hargeysa June 19,2013(SDN)-Xalay abaaro fiidkii waqtiga geeska Africa ayaa gabadh dhalinyar ah lagu dilay dhanka waqooyi bari ee magaalada Hargeysa aaga Mansoor hotel, taas oo sababta ugu weyn oo loo diley ay ahayd mobile ay sidatey.

Arimaha sidan u foosha xun ayaa ku soo badanaya magaalada, halka gabadhan dhaawaceeda loola cararey Cisbitaalka weyn ee Hargeysa kaas oonu daryeelka iyo adeegyada caafimaad ahayn qaar sidii loogu talo galay u shaqeynayaan.

Falalkan ayaa kusoo badanaya Magaalada hargeisa halka isla habeen dhaweyd gabadh lagu toogtey xaafadda calaamadaha.

Waxaa laga dayrinayaa falalkan soo kordhaya habeenba habeenka ka dambeeya ee Hargeysa aan hore looga baran.

Waana waajibkii saarnaa ciidanka ku hawlan ilaalinta Amaanka dadka ee magaalda iyagoo hawlahoogii kaga mashquulay shaxaadka ay gawaadhida ku shaxaadayaan isgoysyada waaweyn ee magaalada hargeisa.

Iyada oo aaney jirin cid ka tirsan taliska oo la xisaabtanta ciidamadan gabay hawlahoodii ay qaranka u hayeen.

Iyo cid xukuumada ka tirsan oo wax dareena ka muujisay falalkan shacabku walaaca ka muujinayaan ee caasimada ku soo noqnoqonaya.
Mahad Guleid.

SDN-Hargeysa

Comments are closed