|

Magaalada Hargaysa oo ay buux dhaafiyeen Gaadiid loo bixiyay “ Hooyo Ha Tahriibin”

Hargaysa 22.June 2016 (SDN/QJ):-Shacabka Soomaliland oo usoo joogay musiibooyin tahriib oo aad u liita ayaa la yimid mid kamid ah talaabooyin muhiim u ah dhallinyaradooda si ay uga horjoogsanayaan inay Tahriibaan.

hooyo ha tahriibinQorshahan cusub ayaa ah mid waaliddiintu caruurtooda ugu iibinayaan tagaasi (Taxi) ay ku shaqaystaan.

Gaadiidkaan durba waxay heleen naanays loo bixiyay oo ah “ Hooyo Ha tahriibin”, waxaana soo dhaweeyay dad badan.

Sanadihii lasoo dhaafay, tahriibta ayaa gaadhtay xaddi aad u xooggan oo dhallintu ku beegsanayaan waddamada Yurub.

Badwaynta ayaa galaafatay nolosha dad gaadhaya 4000 sanadkan kaliya kuwaasoo u badan Soomaali.

Dadka ayaa laga qaataa lacago aad u badan oo kor u dhaafaya todobo kun oo dollar calaa qof.

Dhanka kale gaadiidka cusub ee caruurta loo Iibiyay ayaa durba keenay saxmad iyo suuqyaraan, maadaama ay dad badan isticmaalayan.

Sidoo kale Shilalka ay Sababaan Gaadiidkani ayaa ku soo badanaya Gudaha Somaliland iyadoo ay ugu Wacan tahay aqoonta wadayaasha oo aan gaadhsiisnayn heerkii loogu talo galay,Iyo Xawaare Xoogan oo ay ku Socdaan.

Comments are closed