|

Magaalada Garowe oo laga Dajiyay Maxaabiis Budhcad Badeed ah oo laga soo Qaaday Seychelles

Garowe 27.March 2014 (SDN)- Sagaal qof oo maxaabiis ah oo loo haysto falal burcad badeednimo ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Maxaabiis-300x168Maxaabiista oo lagu soo xukumay jasiiradda Seychelles ayaa xabsigooda ku dhamaysan doona magaalada Garoowe, sida uu sheegay ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland Maxamed Xareed Faarax.

Hay’adda United Nations Office on Drugs and Crime (UNODC) ayaa maxaabiista keentay Garoowe.

Taliyaha ciidanka asluubta ee maamulka Puntland Cali Nuur Cumar Saalax, oo isaguna halkaas kula hadlay ayaa maxaabiista u soo jeediyay in ay ilaaliyaan qawaaniinta dalka.

Shaafici Cabdullaahi Cali oo ka mid ah maxaabiista ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu dalka dib ugu soo laabto.

Muddada xukunkoodu wuxuu u dhaxeeyaa 7 ilaa 24 sano oo xabsi ah.

Garowe SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed