|

Magaalada Gaalkacyo Oo Lagu Qabtay Bannaan-bax Lagaga Soo Horjeedo Nidaamka 4.5 SAWIRRO

Gaalkacyo,16Dec,2015(QJ/SDN)-Boqolaal qof oo isugu jira bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug-Puntland ayaa maanta ka banaan baxay inaan dib loogu noqon nidaamka 4.5 oo ay hada ku dhisan tahay dawladda Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Xassan Sheekh Maxamuud.

Shacabka dhigayey maanta banaanbaxa ayaa soo jeediyey in la qaato oo weliba lagu dhaqmo nidaamka soo xulista hab deegaan , welibana lagu soo dhiso baarlamaanka cusub ee badalaya mudanayaasha Golaha wakiilada Soomaaliya ee hada jira.

Sidaa si lamid ah ayaa degmooyin katirsan Puntland looga muujiyey diidmada laga qabo in markale lagu noqdo nidaamka 4.5 , magaalooyinka Boosaaso iyo Barana waxaa ka dhacay kulamo ay bulshadu ku diidan yihiin nidaamkaasi.
banaanbax pn1banaanbax pn2banaanbax pn3banaanbax pn6

Comments are closed