Magaalada Dubai oo uu ka Furmay Wejigii labaad ee Heshiiska Somaliland Iyo Shirkada DPW Iyo Safiir Baashe Cawil oo Sharaxay Kaalinta Imaaraadku ka qaato Wax la qabashada Somaliland DAAWO
Dubai,5 June 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Dalka Isu Taga Imaaraadka ka Furmay Shalay oo Sabti ahayd Wejigii labaad ee Wada hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka ee Ku wajahnaa dhamaystirka Heshiiska dhex maray Somaliland iyo Shirkada Dubai World Port ee Maalgelinta ku samayn doonta Dekeda Magaalada Berbera.
Safiirka Somaliland ee Dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta Baashe Cawil ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Waxtarka Heshiiskii ay dawladu la gashay Shirkada Laga leeyahay Imaaraadka Carabta ee Dubai World Port Waxaanu Sheegay in Dawlada Imaaraadku ay Caawimo badan ka gaysatay Somaliland Xiligii ay abaarta baahsani ka Jirtay.