|

Magaalada Burco oo Wadooyin Cusub laga Sameeyay iyo Maayarka Magaaladaas oo ka hadlay

Burco 07.Sep 2013 (SDN)- Maamulka gobolka Togdheer ayaa waddooyin cusub oo laami ah ka hirgaliyay xaafadaha qasabka iyo October ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Duqa magaalada Burco Maxamed Muraad ayaa sheegay in waddooyinkan ay yihiin kuwii ugu horreeyay oo laami ah oo ay ka hirgaliyaan xaafadaha magaalada Burco tan iyo marka loo dhiibay maamulka.

maayarka BurcoMaxamed Muraad ayaa tilmaamay in waddooyinka ay muhiim u yihiin isu socodka magaalada Burco, isagoo xusay in dowladda hoose ee maamulka Somaliland ay gacan ka gaysatay dhisidda waddooyinka.

Wuxuu xusay in arrintan ay billow u tahay dadaallo maamulka gobolka uu ugu jiro horumarinta gobolka iyo guud ahaan maamulka Soomaaliland, isagoo ugu baaqay qurba joogta iney ka qeyb qaataan dhisidda adeegyada asaasiga ee gobolka.

Burco SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed