Magaalada Boorama & Cashuuro Mar Saddexaad lagu Soo Rogey Ganacsatada Jaadka DAAWO
Boorama 07.October 2016 (SDN/QJ):- Ganacsatada Jaadka ee magaalada Boorama ayaa Ogolaaday inay bixiyaan cashuur dawlada hoose ee degmadaasi kusoo rogtay oo maalmihii dambe muran ka dhex abuuray Golaha deegaanka Boorama iyo Ganacsatada Jaadka.
Guddoomiyaha Jaadka ee magaaladaasi oo kulan la yeeshay Golaha deegaanka Boorama ayaa sheegay.
Lacagta Jaadka waxaanu bixinaynaa inta Hargeysa iyo Gabiley laga qaado Marduufka jaadka ah, Maanta laga bilaabano Baaga Jaadka waxaanu bixinaynaa 10,000 Somaliland shilin ah”ayuu Guddoomiyaha Jaadleyda Boorama.
Dhinaca kale Maayirka magaakada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane ayaa sheegay dhinaciisa in Ganacsatada Jaadlayaasha laga qaadi Doono Cashuuraha ay dawlada Hoose kusoo Rogtay.
“Waxaanu Ganacsatada Jaadka ugu baaqaynaa inay iska soo bixiyaan Cashuuraha lagu heshiiyay ee ay wada gaadheen Jaadleyda iyo dawlada Hoose ee Boorama”ayuu yidhi Maayir Maydhane.
Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan ayaa maalintii Salaasa ka hor istaagtay Golaha deegaanka Boorama inay cashuuro kusoo rogaan Ganacsatada jaadka ee Gobolkaas.