|

Madmadawga Heshiiska UCID, Faysal iyo Jamaal keebaa loo tanaasulay?

Hargeysa Jan 01,2016(SDN/QJ)-Waxa maalinimadii shalay si wada jir ah xarunta xisbiga UCID  shir jaraaid ugu wada qabtay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md Faysal Cali Waraabe iyo musharaxa xilka Madaxweynenimo Md Jamaal Cali Xuseen oo sheegay in xal laga gaaray khilaafkii mudada ka taagna cida noqoneysa musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID.

Md Jamaal Cali xuseen oo ku keliyeystay la hadalka Saxaafada Ayaan shaacin waxa laga heshiiyay isla markaana aan cadeyn in uu yahay musharaxa madaxweyne ee UCID.

Jamaal waxa uu sheegay in khilaafkii xisbiga la soo afjaray isla markaana UCID ay tahay doorkiisii hogaaminta dalka.

Jamaal wxa uu intaa raaciyay in ay ka shaqeynayaan sidii xisbigu u guuleysan lahaa oo loo fasiran karayo in uu ka tanaasulay xilkii musharaxnimada.

Waxa isaguna halkaa ku suganaa Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo aan hadal, isweydiintuna waxa ay tahay kol hadii khilaaf jiray,misna laga heshiiyay waxa aamusiiyay Guddoomiyaha.

Sidoo kale waxa ay xeel dheereyaasha siyaasadu isweydiinayaan labada masuul kee loo tanaasulay, yaase ah musharaxa madaxweyne ee UCID.

Intii khilaafkani soo baxay waxa dhexdhexaadintiisa galay dhawr ergo oo markii danbena gacmaha ka taagay kolkii lagu qancin kari waayay Guddoomiye Faysal in uu shaaciyo in aanu damac ka heyn xilka musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID.

Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawraaba waa halka uu xilka musharaxa madaxweyne ee UCID uu ku danbeyn doono.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed