|

Madaxyene Cirro oo ku dhawaaqay liiska Gollaha Xukuumada Cusub

Hargeysa (QJ) – Madaxweynaha cusub ee Somaliland, H.E. C/raxmaan C/laahi Maxamed (Cirro), ayaa maanta ku dhawaaqay liiska Golaha Wasiirada cusub ee maamulkiisa, kadib wareegto uu soo saaray.

Xubnaha golaha wasiirada oo ka kooban ilaa 48 qof oo isugu jira wasiiro, ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay Aadan Deyr oo ah afhayeenka cusub ee madaxtooyada oo isna saaka la magacaabay.

Wasiirada la magacaabay ayaa intooda badan waxa ay ka tirsan yihiin Xisbiga Waddani oo doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Hargeysa kaga guuleystay Muuse Biixi.

Magacaabistan ayaa timid ka dib markii Cabdiraxmaan Cirro uu si rasmi ah ula wareegay xilka madaxtinimada Somaliland Khamiistii ina dhaaftay.

Liiska Magacyada Golaha Wasiirada Soomaaliland ayaa u qornaa sidaan:
Mudane Cabdalla Maxamed Carab (Sandheere) Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Somaliland
Mudane Xasan Axmed Ducaale (Macallin) Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Somaliland
Mudane Yoonis Axmed Yoonis Muxummad Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda ee Somaliland
4.Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan Cawaale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Somaliland

Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland
Dr Xuseen Bashiir Xirsi Wahan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland
Mudane Xuseen Axmed Caydiid Warsame Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Somaliland
Mudane Khadar Xuseen Cabdi Looge Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada ee Somaliland
Mudane Cali Jaamac Faarax (Buureed) Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Somaliland
Mudane Maxamed Yuusuf Cali Axmed (Ilkacase) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca ee JSomaliland
Eng Axmed Jaamac Barre Rooble Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland
Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi Madar Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka ee Somaliland
Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Af-gaab) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland
Proff Ismaaciil Yuusuf Ducaale Guuleed Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Somaliland
Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good Wacays Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Somaliland
Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Sambalooshe) Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska ee Somaliland
Mudane Maxamuud Cige Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland
Mudane Fu’aad Axmed Nuux Nuur Wasiirka Wasaaradda
Duulista, Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Somaliland

Mudane Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle Wasiirka Wasaaradda Warfaainta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Somaliland
Mudane Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geel-jire) Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Somaliland
Mudane Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Somaliland
Mudane Jamaal Maxamed Jaamac Axmed Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Somaliland
Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac. Wasiirka Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Somaliland
Mudane Axmed Maxamed Faarax Coofle Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Somaliland
Mudane Cumar Shucayb Maxamed Cabsiiye Wasiirka
Wasaaradda Xannaanada iyo Horumarinta reer Miyiga ee Somaliland

Sheekh Cabdillaahi Daahir Jaamac (Baashe) Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur Furre Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland
Mudane Siciid Maxamed Buraale Carraale Wasiirka Wasaaradda Horumainta Maalgashiga iyo Wershadaha ee Somaliland
Wasiiru-dawlayaal

29 Mudane Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuul Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Somaliland

30 Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ee Somaliland

31 Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi Xasan Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Somaliland

Wasiir Ku xigeenno

32 Mudane Mukhtaar Xaaji Muxummad Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland

33 Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Somaliland

34 Mudane Muuse Askar Guuleed Jaamac Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Somaliland

35 Marwo Samsam Maxamed Saalax Yacniile Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland

36 Mudane Jamaal Jaamac Xaamud Dhunkaal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Somaliland

37 Mudane Cali Axmed Cabdi Cantar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha & Horumarinta reer Miyiga ee Somaliland

38 Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha ee Somaliland

39 Mudane Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska ee Somaliland

40 Mudane Sharmaake Cabdi Muuse Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda ee Somaliland

41 Mudane Cabdiraxmaan Shide Bile Dharaar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Somaliland

42 Mudane Yuusuf Kayse Cabdillaahi Aadan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista, Hawada iyo Horumarinta Madaarada ee Somaliland

43 Dr Maxamed Aw Daahir Ibraahin Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada ee Somaliland

44 Eng Maxamed Cilmi Xuseen (Huuno) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maalgashiga & Wershadaha ee Somaliland

45 Mudane Jawhar Siciid Warsame

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland

46 Eng Maaliki Cabdi Xasan Xirsi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee a Somaliland

47 Mudane Maxamed Muuse Bucul Bookh Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Somaliland

48 Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka ee Somaliland

Leave a Reply