|

“Madaxweynuhu Wuu Dhiban Yahay Anigaa La Soo Shaqeeyay, Aroortaad Arragtaba Wuxuu Maxkamadda U Saaran Yahay Reer” Cabdikariim Axmed Mooge

Hargaysa 27.Aug 2015 (SDN/QJ)- Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda qorshaynta Somaliland oo dhawaan iska casilay xilkaasi Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu wehel u noqday dhibaatooyin aanu xusin, waxaanu tilmaamay in arrinintaasi uu damreemay wakhtigii uu ka mid ahaa golaha Wasiirrada.
Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu sidan ku sheegay munaasibad xalay lagu qabtay magaalada Hargeysa oo lagaga hadlayay sidii loo cidhibtiri lahaa dhibaatada ay qabaayladu ku leedahay bulshada.
Cabdi Kariin Axmed Mooge“Madaxwaynuhu wuu dhiban yahay, anigaa la soo shaqeeyay aroortaad arragtaba wuxuu Maxkamadd u saaranyahay reer, kii badsaday iyo kii yaraystayba xaq baa ka maqan. Buriihii reer baa sheeganaya, ceelashii reer baa sheeganaya, beerihii reer baa sheegaya”Cabdikariin Axmed Mooge

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Qabiil ka yar iyo Qabiilka wayn inay is aqbalaan oo caddaalad u sinaadaanbaan u istaagnay”Cabdikariim Axmed Mooge.

Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu intaas ku daray ”Ololahani waxa uu boorrinayaa in aan Xilka umadda lagu hanan Qabyaalad, balse lagu helo aqoon, karti, daacadnimo iyo in qofku ku sifoobo Inuu ka madhan yahay musuqmaasuq.”

Comments are closed