|

“Madaxweynuhu Waa Nin Xidhan Oo Ku Jira Jeel Oo Leh Awood Saxeex..” Madaxweyne Xigeenkii Hore ee Somaliland

Hargeysa, 19 Feb 2015 (SDN/QJ)-Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay arragtidiisa ku aadan Muddo kordhin loo sameeyo xukumadda loo sameeyo, awooda mucaaradka iyo noloshiisa wakhtigii xilka qaranka uu hayay iyo Wakhtigan uu bulshada ka midka yahay.

axmed Yuusuf YaasiinUgu horayn Madaxweyne xigeenka hore waxa uu ka hadlay faraqa u dhexeeya wakhtigii uu xilka hayay iyo wakhtigan “Horta waa laba nololood oo aan shaqo isu lahayn oo kala fog. Anigu waxaan qabaa markaan sharxayo Madaxweyne ama Madaxweyne ku xigeen, waxaan odhan karaa Madaxweynuhu waa nin xidhan oo ku jira Jeel, oo leh awood saxeex, oo haddii ninkaasi meel u baxayo ciidan baa ku xeeran,hadduu soconayo ciidan baa ku xeeran,markaa waxaan qabaaba Madaxweynuhu maaha nin Xorriyad leh, waa ninkaas jeelka ku jira ee wuxuun saxeexa. Waxaan filayaa arrinkaasi inaynu wax weyn ka bedelno sida caalamka kale waa mid muhiim ah.Maanta ciidan ma wato,cid ima ag cararayso,cidna ima ag durdurinayso, dee waanigaa caadiga ah ee lugaynaya ee dadka ku dhex jira, Illaahay baanan ka baryay anigoo tukanaya in annigoo qof caadi ah aan suuqa iska Lugeeyo markaan shaqadaas ka tago,tiibaanay noqotay laakiin,markaan isbarbar dhigo dee waa laba Nololood oo kala fog, tan aan ku noolahayna waxaa ku dhaqmi kara nin Iimaan leh oo dadka dhex gali kara oo suuqa mari kara,dee waa nin fooq dhakadii ka yimid oo dhulka yimid, qofkuna waa inuu ogaado Xilku inuu Amaano yahay amaanadaana maalinta uu ka dago uu dadka ka mid noqdo”

Sidoo kale, Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu ka hadlay Aragtidiisa muddo kordhin loo sameeyo xukumadda haatan talada haysa “Qoladan waan kala taliyay oo waxaan ku idhi waxba ha korodhsanina, annaguba haddaanan barigii Korodhsan doorashada waanu heli lahayne. Waxa weeye marka Wakhtigu sii siyaadaba awooda Mucaaradka ayaa sii kordhaysa.Doorashooyinka maanta taagan waxaan leeyahay horta degdega aan joojinno oo Illaahay waxaan ka baryayaa inaynu helno diwaangalin rasmi ah. Diwaangalintii aanu samaynay 2008-dii waa tii liicday.markaa waar inta doorasho lagu degdegayo horta diiwaangalin rasmi ah aan samaysanno. Lix bilood wax ka yar waa lagu samayn karaa diwaangalin rasmi ah. Waxaana leh cayimada doorashada Komishanka,waanan qabaa inay wakhtigeeda dib uga dhacayso” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin u waramay Universaltv.

Madaxweyne xigeenka hore ee Somaliland waxa uu ka hadlay aragtidiisa ku salaysan suurtogalnimada in mucaaradka wakhtigani xukumadda ka guulaysan karo “Arrintaas markaan eego waxay ku xidhan tahay uun waxay la yimaadaan iyo barnaamijka ay soo dhigaan, inkasta oo dadkeenu aanay eegin barnaamijba ee ay eegan qabyaalad, laakiin aduunku wuxuu eegaa barnaamijka xisbigu soo dhigay ee uu dadka ka iibinayo, markaa bal wakhtigeeda aynu eegno waxay soo dhigaan” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin,waxa uu arrin khaldan ku tilmaamay Wasiirada iyo Siyaasiyiinta kale ee Madaxweyne Siilaanyo barbar cararay,iyagoo sheegaya inay musharaxiin Madaxweyne yihiin “In Wasiir yidhaahdo waan is sharaxayaa Madaxweynaha oo jooga,dee taasi waa khalad” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka hore.

Madaxweyne xigeenka hore ee Somaliland waxa uu afka aad uga dhawray dhaliilaha Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo,isagoo tilmaamay inuu Xukumad kasta oo timaada u yahay Mus-dambeed islamarkaana aanu waxba ka sheegayn, hase ahaatee waxa uu sheegay in Xukumaddii hore ahayd mid Sal balaadhan oo qabyaalad ka madhan. Waxa uu sheegay inuu xukumadda ku amaanayo kordhinta Miisaaniyadda Qaranka iyo Mushaharka Shaqaalaha ee kor loo qaaday.

Hargaysa SDN/QJ

 

Comments are closed