Madaxweynuhu muxuu kala kulmay kormeerka uu ku tegay xarunta dawladda Hoose ee Hargeysa? (DAAWO SAWIRADA)
Hargeysa 2, July 2012 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Saaka subaxnimadii hore markay saacadu ku beegnayd abaaro 8:00 Am, kormeer Kedisa ku soo maray habsami u socodka Xarunta Dawlada hoose ee Hargeysa
Madaxweynuhu waxa uu kormeerkiisa ku eegayay sida ay hawlaha shaqada ee Dawlada hoose u socodaan, iyo sida ay shaqadu uga socoto waaxyaha kala duwan ee ay ka kooban tahay, waxa uu kula kulmay xoghayaha fulinta ee dawlada hoose ee hargeysa, Mudane Mowliid Weris Cabdilaahi oo isagu ahaa masuulka keliya ee Madaxweynuhu kula kulmay xafiiskiisa halka uu ka maqnaa ku simaha Maayirka ahna ku xigeenka Maayirka Caasimada Mudane, Maxamed Cabdilaahi Uurcade, iyadoo uu dalka ka maqan yahay maayirka caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo isagu ku maqan dalka debediisa.
Xoghayaha Dawlada Hoose waxa uu Madaxweynaha warbixin kooban ka siiyay sida ay hawlaha dawlada Hoose u socdaan iyo waxa u qabsoomay mudooyinkii u danbeeyey gaar ahaan saddex biloodkan dambe.
Intaa ka dib, waxa uu Madaxweynuhu kormeer ku maray Xafiiska Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha, Xafiiska Kaydka Faylasha, Xafiiska Kala-wareejinta Dhulka iyo qabashada lacag qalaad iyo Xafiiska Waaxda Cashuuraha oo Madaxweynaha warbixin dheer ka siisay wixii u qabsoomay saddex-biloodkii u dambeeyey iyo lacagaha u soo xarooday.
Madaxweynaha Jamhuuriayda Somaliland waxa kormeerkiisan kediska ah ku weheliyay; Wasiirada Daakhiliga, Madaxtooyada iyo Taliyaha Booliska, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Taliye ku-xigeenka ciidanka Asluubta, Badhasaab ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex iyo madaxa hab-maamuuska Madaxtooyada.
Qurbejoog.com, Hargeysa