“Madaxweynuhu Go’aankii aanu soo saarnay ee Madaxweyne-ku-xigeenkiisu saxeexay inuu barkado may ahayne waxay ahayd inuu hirgeliyo, in nin qudha uu dalku u afduubnaadana ma aha.”Faysal Cali-waraabe.
Hargeysa:June,25,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal cali-waraabe, ayaa ka Hadlay xaaladda Guud ee Waddanka, waxana uu warwar ka muujiyey muddo-kordhintii madaxweyne Siilaanyo loo sameeyey oo aan wali wax heshiis ah laga gaadhin.
Guddoomiye Faysal oo u warramay idaacadda VOA-da, ayaa warwar ka muujiyey xaaladda siyaasadeed ee waddanku ku jiro, waxana uu hoosta ka xarriiay in baahi weyn loo qabo in wada-tashi iyo isqancin lagaga baxo hal-xidhaalaha siyaasadeed ee haatan la waajahay.
Faysal waxa sheegay inaan wax muran ahi ka taagnayn in madaxweynaha muddada loo kordhiyo, balse muddada aan la isku waafaqsanayn, waxana uu si gaar ah u eedeeyey golaha Guurtida,
“Guurtida qodobkii siinayey inay Mudd-kordhin samaysaa meesha ma taallo oo abaari ma taallo, dhibaato kalena ma jirto, markaa inay iyagu meesha yimaaddaanba ma aha. Haddii aynu sida ay iyagu sheegayaan oo ah waa distoorina annagu maanu taaban Muddo-kordhinta madaxweynaha oo waxa aanu nidhi keyd ha inoo ahaato, xaqna waxa uu madaxweynuhu u leeyahay inuu isagu taariikhda doorashada Degreeto kusoo saaro.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Faysal oo Hadalkiisa sii wata, ayaa madaxweynaha ku canaantay inuu ka gaabiyey xilkiisii distooriga ahaa, waxana uu tilmaamay in cidkasta oo xilkeeda gudan weydo sharciga la marin doono, waxana uu yidhi,
“Madaxweynuhu hadduu xilkiisa gudan waayo sharci baa ka yaalla, waliba waxanu aragnaa in arrimo badan oo madaxweynuhu inaanu xilkiisa gudan muujinayaa ay dalka ka socdaan, waliba waanu xishoonaynaa oo aniguna faysal ahaan aad iyo aad baan u xishoonayaa, madaxweynuhuna haddii uu xilkiisa gudan waayo oo sharciga iyo distoorka ku xadgudbo waa in sharciga la mariyo weeye qof sharciga ka weynina ma jiro, haddaan sheegayaa oo waxa muuqata in dalka ay ka socota Xil-gudasho la’aani oo dalku uu sii dumayo sidii guri saqafku uu k aka xumaaday. Mana eeganayno.”
Faysal waxa uu madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey fulin la’aanta Go’aankii dhawaan Axsaabta qaranku iskula fahmeen muddo-kordhinta Madaxweynaha, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,
“Go’aankii aanu soo saarnay ee Madaxweyne-ku-xigeenkiisu saxeexay inuu barkado may ahayne waxay ahayd inuu hirgeliyo, in nin qudha uu dalku u afduubnaadana ma aha.”
Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay inaanu jirin wax sharciyad ah oo uu madaxweynuhu kursigiisa kusii fadhiyo karo marka la gaadho 27-ka Jully oo ah xilliga ay ku buuxdo Shantii sano ee Madaxweynaha la doortay,
“haddii la wada tashan waayo 26-ka june inay doorasho dhacdaa bay ahayde 27-ka jully baa madaxweynehaasi la wareegaye qiil uma hayno u kusii hayo meeshaas haddii aanaan isku raacin oo aanaan labadayada xisbi ee mucaaridka ahi aanaan ka heshiinin Dawladda Meeshaas Fuulaysa, Min madaxweyne ilaa wasaaradana haddii aan laga heshiin dalku fawduu gelayaa.” Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali-waraabe.
Waxa uu Guddoomiye Faysal Hanjabaad u diray, isla-markaana deedafeeyey Golaha Guurtida, isagoo ku tilmaamay Gole Xilligoodii dhammaaday, waxana uu yidhi,“Annaga Gole aan lasoo dooran oo 20-sano sharci-darro ku fadhiya oo isdhaxlay waxba noo yeedhinmaayo, noo yeedhin maayo Haddii dalkan la wada leeyahayna waa laga wada Tashan, Haddii kalena qofkastaa wuxuu doonayuu samaynayaa.”
Faysal waxa uu tilmaamay inay madaxweynaha u furantahay haddii ay ku adkaaday inuu Cayimo xilliga doorashada inuu Maxkamadda Sare arrinta u gudbiyo, waxana uu yidhi,“waa inuu madaxweynuhu haddii aanu Degreeto kusoo saaraynin maaalinta Doorashadu dhacayso waa inuu maxkamadda distooriga u diraa sidii uu sameeyey madaxweynihii ka horreeyey ee Rayaale.”
SDN/QJ