|

Madaxweynihii iscasilay ee Maldives oo sheegay in la afganbiyay

Maldives Feb 10,2012(qurbejoog.com)-Madaxweynihii dhawaanta iscasilay ee jasiirada Maldives Maxamed Nashiid ayaa shaaciyay in talada dalka khasab looga dejiyay xilkii loo doortay ee madaxweynenimo.

Madaxweynaha ayaa intii uu aanu iscasilin waxa uu xilka ka tuuray mid ka mid xaakimada dalkaasi oo ay madaxda dalkaasi ku kala qeybsameen.

Ciidamada dalkaasi ayaa si wen culeys ugu saaray madaxweynaha goaankaa uu qaatay.

Todobaadyo ka dibna waxa si kedeis ah isku casilay madaxweyne Maxamed Nashiid,Xilkiina waxa ku wareegay ku xigeenkiisii Maxamed Xasan.

Hadaba maalmihii u danbeeyay waxa soo baxayay hadalo ka soo yeedhay Madaxweyne Maxamed Nashiid oo sheegay in qori caaridii xilka looga tuuray.

Dawlada Maldives ayaa taa uga jawaabtay in la soo qabto madaxweynihii hore,balse madaxweynaha haatan ayaa dalabkaa is hortaagay.

Dawlada Maldives ayaa ku adkeysaneysa in madaxweynuhu uu iskii xilka uga degay kolkuu arkay in uu ku xadgudbay shuruucdii dalka.

Madaxweynihii iscasilay ayaa ku baaqay in talada dalka lagu wareejiyo guddoomiyaha Baarlamaanka ka dibna in doorasho la qabto mudo laba bilood guddahooda.

 

Qurbejoog-Maldives

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed