|

Madaxweynihii Hore ee Somalia Xasan Sheekh oo Loo Dhaariyey Xil Cusub oo uu Dalkiisa ka qaban doono

Muqdisho 04. March 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu dhaariyay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho si uu uga mid noqdo Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya Xildhibaanka 276-aad dee Baralamanaka Soomaaliya, waxa uuna ahaana inta noloshiisa ka dhiman Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya sida uu qorayo Dastuurka dalka u yaala.

“Qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa xildhibaan Golaha Shacabka inta uu nool yahay haddii aan xil-ka- qaadis lagu samayn iyadoo aanay muddadii xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad ee Dastuurkan” Sidaasi waxa uu ku cadyahay dastuurka qodobkiisa 64aad farqadiisa 4aad .

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sacab kusoo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh markii loo dhaarinayay in uu kamid noqdo Xildhibaanada Aqalka hoose.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa la filayaa in dalka uu sii joogo una sii shaqeeyo qaranka Soomaaliya , waxa uuna Xasan Sheekh ka duwanaan doonaa Madaxdii isaga ka horeesay oo marka ay xilka baneeyeen dalka dibadiisa ku noolaa.

Comments are closed