Madaxweynihii Hore ee Punt land oo dib ugu Laabtay Garowe,Iyo Telefishanka Puntland PLTV oo Joojiyey Baahinta soo dhaweyntiisa DAAWO
Garowe 29.July 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Farole) ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalo madaxda Puntland ee Garoowe. Soo dhaweynta Dr. Farole waxaa ka qayb qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo isugu jirey wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ciidan, isimmo iyo kumannaan dadweyne ah. Mudane Cabdiraxmaan wuxuu si kooban dadweynaha ugula hadlay barxadda Garowe, isagoo uga mahadceliyey sida diirran ee ay usoo dhoweeyeen.
Dhanka kale Dowladda ayaa ku amartay maamulka Telefishinka Puntland (PLTV) inaysan baahin karin war ku saabsan qaabkii maanta magaalada Garowe loogu soo dhoweeyey madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
Amarka ayaa si toos ah uga soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta, Maxamuud Xasan Soo-Cade,
Soo dhoweynta Farole waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo Guddoomiyaha Baarlammaanka Siciid Xasan Shire hoggaaminayey, kuwaasoo isugu jirey wasiirro, xildhibaanno, agaasimeyaal iyo saraakiil ciidan. Waxaa xusid mudan in xilligii Mudane Gaas ahaa murashaxa ee uu Garowe yimid, telefishinka dowladda si toos ah looga baahin jirey dhammaan barnaamijyada ku saabsan ololihiisa doorashada. Kumannaan dadweyne ah oo ruxayey caleemo qoyan iyo calammada Puntland iyo Soomaaliya ayaa Dr. Faroole si weyn ugu soo dhoweeyey Garowe, wuxuuna dadka si kooban ugula hadlay Fagaaraha Barxadda, isagoo xusay booqashadiisu tahay mid la xiriirta arrimo qoys, gaar ahaan tacsida AHN marwadiisii hore Aamino Abiib.