Madaxweynihii hore ee Pakistaan Perves Musharaf oo loo maxkamadeyno Qiyaano Qaran
Islamabad Nov 18,2013(SDN)-Dawlada dalka Pakistan ayaa shaacisay in ay maxmada sare ee dalkaasi u guddbisay dacwad ka dhan ah madaxweynihii hore ee dalkaasi Perves Musharav.
Dawlada Newaz Shariif ayaa sheegtay in ay guddi u saartay baarida danbiyo ka dhan ah dastuurka dalkaasi oo uu Musharaf ku kacay mudadii uu xilka hayay.
Dawlada Shariif ayaa shegtay in maxkamdeynta madaxweynihii hore ee Pakistaan Musharaf aaney aheyn aargoosi siyaasadeed.
Gen Musharaf ayaa xilka afgenbi kula wareegay sanadii 1999kii xiligaa oo uu dalka ka talinayay raiisul wasaare Newaz Shariif.
Qareenada Musharaf ayaa sheegay in ay qorshahooda difaac soo bandhigi doonaan kolka maxkamadu bilaabanto.
Musharaf ayaa xilka madaxweynenimo ee Pakistaan haya toban sanadood ka dibna dalka isaga tegay.
Musharaf ayaa Pakistaan dib ugu noqday sanadkan horaantiisii si uu uga qeyb galo tartanka doorashooyinka balse uma suurto gelin.
SDN-Islamabad
contact@somalidiasporanews.com