|

Madaxweynihii Hore Ee Maldives Oo Loo Xidhay Arrimo Argagixiso

Male:Feb,23,2015(SDN/QJ)-Maxamed Nasheed oo ahaa madaxweynihii hore ee jasiirada Maldives, ayaa Xasbiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyey inuu  ku lug lahaa Arrimo Argagixiso.

Mohamed NasheedMadaxweynahan hore ayaa la xidhay  waxyar kahor intii aan la gudo gelin dibadbaxyo Xisbigiisu hoggaaminayey oo qorshaysnaa, kaas oo lagaga soo horjeedo madaxweynaha Haatan oo lagu magacaabo Abdulla Yameen, markii uu ku eedeeyay inay u dhaqmeyso sida Dowlad xagjir oo kale ah.

Warbaahinta Maldives, ayaa baahisay xadhiga loo geystay Mohamed Nasheed inay sii murgin doonto uun, kala feker duwanaanshaha Dowladda iyo mucaaradka.

Madaxweynaha Maldives , Abdulla Yameen oo xilka la wareegay muddo 17 bilood laga jooggo, ayaa waxaa lagu eedeeyay in gacan bir leh uu ku maquuninaayo, cid kasta oo dhaliisha hannaankiisa siyaasadeed.

Nasheed waa Madaxweynihii afraad oo soo mara Maldives, iyadoo uu noqonaayo Madaxweynihii ugu horeeyay oo si xor ah ay u soo doortaan dadka reer Maldives. 2008-dii ayuu ku guuleystay doorashada Madaxtinimada, waxa uuna ka degay sanadkii 2012-ka.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed