Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Puntland Cabdirraxmaan Faroole Oo Maanta La Filayo In Uu Magaalada Hargeysa Soo Gaadho.
Hargeysa,19july,2015(QJ/SDN)-Madaxweynihii Hore ee Maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa La Filayaa Inuu maanta Socdaal ku yimaado Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, Safarka cabdiraxmaan Faroole ayaan si cad loo ogeyn ujeedadiisa balse ilowareedyadda aanu ka helany warkan ayaa sheegaya in uu yahay mid Shakhsi ah iyadoo Caruurta uu dhalay ay Hargeysa kagaba Soo Horeyeen kuwaasi oo maalmihii u danbeyey ku sugnaa Magaalada, waxaana la tilmaamay in Caruurta Faroole Hargeysa u yimadeen sidii ay u soo booqan lahaayeen Abtiyaashood oo ku nool Magalada Hargeysa.
Alahawnaxariiste Xaaskii Cabdiraxman Faroole ee dhawaan uu Toogtay Inankeedu ayaa Asal ahaan ka soo Jeedday Magaalada hargeysa.
ISHA KU HAY (QJ/SDN)