|

Madaxweynihii dhawaanta la doortay ee dalka Senegal oo xilka la wareegay

Dakar April 03,2012(SDN)-Madaxweynaha dhawaanta ku guulaystay  doorashadii ka dhacday  dalka  Senegal  ayaa maanta si  rasmi ah  loogu dhaariye  jagada  madaxweynenimada  ee Wadanka Senegal.

Guusha  doorashada  madaxweynaha  cusub  ee Senegal  Maki Saala ayaa  waxay  ka dambeysay kadib markii uu si weyn  uga  guulaystay  madaxweynihii  hore ee dalkaasi  Cabdale  Waadi oo laba  xili doorasho oo hore ku hogaaminayay dalkaasi.

Madaxweyne Maki Saala ayaa la sheegay in uu taageero ballaadhan ka  kasbaday  shacbiga Senegal, kadib markii aqlabiyadda  dadka  dalkaasi ay  ka soo horjeesteen  in madaxweynahii hore  Cabdale  Waadi  oo mar sadexaad isu soo taagay  doorashadii dhawaan dalkaasi ka dhacday.

Madaxweynaha  cusub ee dalka  Senegal   Maaki Saale  oo hogaaminta wadankaasi maanta loo dhaairyey    ayaa shacbiga  dalkasi ka  rajaynayaan  inuu wax ku soo biirin  doono dhaqaalah iyo  nolosha dalka  Senegal.

SDN-Dakar

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed