Madaxweynihii Dalka Yemen Oo Iscasilay Iyo Khalkhal Siyaasadeed Oo Dalkaasi Foodda La Galay
Sanca:Jan,23,2015(SDN/QJ)-Cabdurabbah Mansur oo ahaa madaxweynihii dalka Yemen iyo xukuumaddiisii ayaa istiqaaladooda gudbiyey maalmo kadib markii ay Maleeshiyada Xuutiyiintu la wareegeen Madaxtooyada Dalkaasi iyo Goobo kale oo muhiim ahaa.
Iscasilaada madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, ayaa horseedi karta in Yemen ay gasho xaalad siyaasadeed oo khatar ah, waxana maalintii shalay uun la sheegay in labada dhinac ay gaadheen Heshiis ku jiifay Madaxweynaha iyo xukuumadiisa oo u muuqday mid lagu khasbay.
Mr Hadi ayaa gurigiisa ku go’doonsanaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, kaddib markii ay isku gadaameen dagaalyahanno Xuutiyiin ah.
Waxa uu sheegay in aanu xukunka sii wadi karin, maadaama Xuutiyiinta ay ka baxeen heshiis ahaa in ay go’doominta ka qaadaan aqalka madaxweynaha, waxana iscasilaadu ahayd dariiqa kaliya ee Madaxweynaha iyo Xukuumaddiiisa u furnayd.
Jabhadda ayaa si shaac baxsan u soo dhaweysay iscasilaadaasi, balse ma aha wax ay doonayeen, maadaama aanay marnaba dejis istiraatiijiyad ay xukunka xilligan ku wadi karaan, iyadoo filanayey awoodqaybsi muddo kooban lasii wado.
Xukun ay Xuutiyiinta sameeyaan, ayaan laga aqbali doonin Koonfurta dalka, oo ah halka ay ku nool yihiin Suniyiinta leh aqlabiyada dalkaasi.
Waxaa sidoo kale jirta cabsi ah in garabka Al-Qaacida ee dalkaasi ka howlagala, uu ka faa’iideysto jahawareerkan siyaasadeed ee soo dhexgalay dalkan faqiirka ah ee la ciirciiraya Ammaandarrada muddada socotay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com