|

Madaxweynihii Caalamka Ugu Faqiirsanaa Oo Banneeyey Xilkii uu Hayey

Montevideo:Oct,29,2014(SDN/QJ)-Jose Mujica oo loo aqoonsanaa inuu yahay madaxweynaha caalamka ugu faqiirsan oo hoggaaminayey dalka Uruguay, ayaa iskaga degay xilkaas uu dadkiisa u hayey, waxana uu codkiisa ka dhiibtay doorashooyin dalkiisa ka qabsomaya.

CHILE-URUGUAY-BACHELET-MUJICAJosé Mujica waxaa loo yaqaan madaxweynaha ugu saboolsan dunida. 2010 ayuu qabtay talada dalka Uruguay, Mushaarkiisu waa $12500 ( Labo iyo Toban kun iyo Shan boqol oo Doollar),waxa uuna 90% ugu tabarrucay dadka saboolka ah ee dalkiisa ku nool.

waxa uu diiday in uu madaxtooyada dego, baddelkeedana waxa uu ku noolaa guri uu deggan yahay oo ku yaalla duleedka caasimadda dalkiisa, madaxtooyadana waxa uu ka dhigay meel lagu qabto shirarka, laguna qaabilo madaxda dalka soo booqaneysa.

José Mujica waxa uu ku socdaa gaadhi uu isagu leeyahay oo qiimihiisu yahay $2000 (Labo kun oo doollar),kaas oo la sameeyay 1987-kii isaga ayaana badana kaxeysta.

Waa 75 jir, 14 sano ayuuna xabsi ku soo qaatay, Waxa uu sidoo kale suuqa geeyaa oo iibiyaa ubax ay isaga iyo xaaskiisu beeraan.

Mar la weydiiyay sababta uu saboolnimada u doortay wuxuu ku jawaabay ” Anigu sabool ma ihi, Sabool waxaa ah kuwa wax badan u baahan. Dadkeygu badankii waa sabool iyaga ayaana i doortay waana in aan sidooda oo kale u noolaado”

Uruguay waa dalka labaad ee ugu musuqmaasuqa yar dalalka Koofurta America, waxaana uu  sameeyay kobac dhaqaale oo xooggan intii uu maamulayay José Mujica iyo madaxweynihii xilka uga horreeyay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed