|

Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo shir kaga wada qaybgalaya Jabuuti, muxuuse shirkaasi daarran yahay?

Hargeysa 16, December 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa goor dhawayd oo galabta ah ka dhoofay madaarka caasimadda Hargeysa.

Weftiga Madaxweynaha oo u dhoofay dalka Jabuuti, waxa uu magaalada Jabuuti kaga qaybgalayaa sannad-guurada 40aad ee qorista afka Soomaaliga iyo shirka horumarinta afka Soomaaliga, kaasoo uu soo qabanqaabiyay ururka qallinlayda ee PEN.

Weftiga Madaxweyne Siilaanyo waxa ka mid ah, wasiirada Khaarajiga Maxamed Cabdullaahi Cumar, Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle, waxbarashada iyo Tacliinta Sare Samsam Cabdi Aaden iyo marwada koowaad Aamina Sheekh Maxamuud Jirde.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa madaarka caasimadda Hargeysa ku sii sagootiyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), xubno ka tirsan golaha wasiirada, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Jabuuti.

Weftiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ka mid yihiin wasiiro, xubno ku xeeldheer afka Soomaaliga iyo guddoomiyeyaal jaamacaddeed, waxa uu ka dhoofay madaarka Aden Cadde ee caasimadda Somalia ee Muqdisho, wuxuuna ka qaybgalayaa shirka horumarinta afka Soomaaliga ee ka furmaya Jabuuti.

Ma cadda in labada hoggaamiye ee Somaliland iyo Soomaaliya ay si gaar ah u kulmi doonaan inta ay ku sugan yihiin dalka Jabuuti, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu todobaadkii hore sheegay inuu rejaynayo in wadahadaladii labada dhinac u furmay bishii June 2012 ay si dhakhso ah dib ugu bilaabmaan.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed