|

Madaxweyneyaasha Maamullada Soomaaliya oo Markii u Horreysay Hortegay Aqalka Sare ee Federaalka

Muqdisho 06 November  2017 (SDN/QJ):-Madaxweynayaasha dawlad-gobolleedka qeybta ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay hortegay Mudanayaasha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Muqdisho, iyaga oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Caasimadda dalka oo Shir ugu soo gebo-gaboobay Shalay.

Waxaa Fadhiga Aqalka Sare ee Madaxweyneyaasha Maamul-goboleedyadu hortegeen Warbixin ku aaddan waxyaabaha u qabsoomay Aqalka sare iyo Shaqadoodu waxay tahay ka jeediyay  Abshir Maxamed Axmed Guddoomiye Koowaad ee Golaha Aqalka sare.

Madaxweyneyaasha dawlad-goboleedyada waxaa u ahadlay, Madaxweynaha Puntland Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaanay dhammaantood sheegeen in Aqalka Sare ay matalaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyaga halkaas ka jeediyay Khudbado ay kaga hadlayaan xaalada dalka iyo in loo midoobo dagaalka Al shabaab iyo sidii hormar balaaran loo gaari lahaa .

Waxa uu Fadhigani noqonayaa mid ay markii ugu horraysay ee Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Xubinta ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya ay hortagaan, isla markaana kulan kan oo kale ah la qaataan Mudanayaasha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynayaasha dawlad-gobolleedyada ayaa maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho ugu soo dhamaaday shir ay la lahaayeen madaxda dowladda federaalka oo looga wadahadlayay xiriirka ka dhaxeeya dhameynta khilaaf waayadii ugu danbeeyayba taagnaa, waxaana ay wada jir u soo saareen War-murtiyeed lagu qeexay qodobada lagu heshiiyay.

Comments are closed