|

Madaxweynenimada Donald Trump: Yay tahay in uu ka Baqo? & Warbixintii Ugu Dheerayd ee Dhinacyo Badan ka eegtay Hawlgalada Trump AKHIR

New York 11.November 2016 (SDN/QJ):- Dadka Mareykanka waxa ay musharraxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump u doorteen in uu noqdo madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka.

Natiijadii doorashada ee guushu ku raacday Trump ayaa ka farxisay dad badan sidoo kalena ka nixisay malaayiin qof oo kale.

Marka, su’aasha taagan ayaa ah: Yaa wax ku waayaya yaase ka faa’iidaya madaxweynenimada Trump ?

Haddaba halkan waxaan idin kugu soo gudbinaynaa hadalladii uu jeediyay doorashada ka hor.

Sidoo kale waxaan eegi doonaa ra’yigii Mike Pence, oo ah barasaabka gobolka Indiana, oo noqon doono madaxweyne ku xigeenka Mareykanka.

Dumarka

trump2-jpg-size-custom-crop-850x566Arrimaha jinsiga ayaa si ka duwan doorashooyinkii hore door muhiim ah ka qaatay ololaha doorashadan, iyadoo codbixyayaashu ay ka fikirayeen in markii ugu horreysay ay u codeeyaan qof dumar ah in uu u noqdo madaxweyne.

Usbuucii ugu dambeeyay ayaa Hillary Clinton waxa ay isku dayaysay in ay ka faa’iideysato “dhibaatada dumarka” ee Trump, waxa ayna ku tilmaantay nin handadaya dumarka, lehna taariikh 30 sano ah oo ku saleysan liidmo, yasid iyo aflagaaddada dumarka.

3a3217f600000578-3918838-image-a-144_1478671509459Balse sida ka muuqatada codbixinta, dumarka intooda badan eedeymahaasi waa ay ku gacan seyreen, waxaana muuqata sida ku cad natiijada horudhaca ah, 42% dumarka ayaa waxa ay u codeeyeen Trump.

Haddii la sii lafa gurana, Trump waxaa u codeeyay 53% dumarka caddaanka ah, 4% dumarka madowga ah iyo 26% dumarka kas oo jeeda Hispanic-ga oo ah kuwa ugu badan ee Trump uu aflagaadeeyay.

Haddaba maxay filan karaan? Dhanka kuwa guulaystay Trump waxa laga hayaa in uu yiri “dumarka ilamaha iska soo riday waa in la ciqaabaa”.

Balse qaar ka mid ah dumarka oo ay ka mid yihiin kuwa guryahooda iska joogay ee aan doorashada ka qayb qaadan, arrintan jinsiga ku saabsan waa mid dhiirigelin leh ee ma ahan wax laga xumaado. Qaar ka mid ah dumarkani ayaa u arka aqoonsi lagu muujinayo doorka kobcinta ku saleysan ee taariikhda dumarka.

Intooda badan waxaa soo jiitay ballan qaadka Trump ee ah shaqo abuurka iyo nolal wanaagsan oo ay helaan dumarka caddaanka ah ee shaqeeya, iyo in uu ganaaxo shirkadaha Mareykanka ee wax soo saarkooda ku sameeya dalka dibaddiisa.

Muxuu Trump qaban doonaa marka ugu horaysa?

Muxuu Donald Trump balanqaaday inuu qabanayo 100-ka maalin ee ugu horaysa ee dowladiisa?

Ma jiro musharax madaxweyne taariikhda oo la mid ah Donald Trump oo ah ganacsade maalqabeen ah.

Hadaladiisa adag ee ku saabsan dadka ajnabiga ayaa kala qaybiyay waddanka iyo xisbigiisa.

Laakiin balanqaadkiisii inuu “Ameerika wax walba ka hormarinayo” ayaa soo jiidatay dad badan oo dareemaya in dowladda aysan waxba u qaban.

Marka maxaa laga filayaa madaxweynenimada Trump?

Qaar ka mid ah waxyaabaha uu qaban doono 100-ka maalmood ee uu xukunka hayo ayuu ku sheegay qudbad uu ka jeediyay Gettysburg, Pennsylvania.

Iyadoo lagu salaynayo waxa uu ku sheegay qudbadiisa iyo waxyaabaha kale ee uu ka hadlay ee muhiimka u ah madaxweynenimadiisa, waxaan filan karnaa waxyaabaha soo socda.

“Xeerarka ganacsiga ayaa noqday kuwa aad u waynaaday oo dilay shaqooyinkii. Hayadaha dajiya xeerarka ganacsiga ayaa ah kuwa aan joojin doono maalinta ugu horaysa” Trump ayaa dhahay bishii September.

“Waxaan waydiisanayaa dadka Maraykanka inay ka waynadaan wararka siyaasadaha fashilmay, oo ay doortaan aaminsanaanta iyo rajada lagu yaqaanay dadka Maraykanka” Mr Trump ayaa ka sheegay Gettysburg ” Waxaan idin waydiisanayaa inaad wax wayn ku riyootaan.”

100 maalmood ee ugu horeeya:

  • In la bilaabo sidii “waddanka looga bixin lahaa in ka badan laba milyan oo qof oo sharci la’aan waddanka ku jooga”
  • In laga joojiyo visa la’aanta ay ku soo galaan dadka waddamada diida in dadkooda dib loogu celiyo
  • Inuu joojiyo sharciyadii uu Obama ansixiyay kaligiis isagoo marin Congresska
  • In la xayiro shaqaalaha White House inay ololeeyaan
  • In waqtiga xubnaha Congress-ka la xadido
  • In la joojiyo dhamaan lacagta la siiyay barnaamijka Qaramada Midoobay ee isbadalka cimilada
  • In loo isticmaalo lacagtaas dhisida kaabayaassha dhaqaalaha ee Maraykanka
  • In Shiinaha lagu sheego inay qiimaha lacagtooda faragaliyaan – iyagoo ka dhigaya marba qiimaha ay doonaan marka la sarifayo.

Wuxuu balanqaaday inuu ka dhisaayo darbi xuduudda koonfurta ee Mexico ayna bixinayso Mexico. Ilaa maalmihii ugu danbeeyay wuxuu u sheegay taageerayaashiisa inay dhici doonto. Laakiin lama hubo siday u dhici doonto.

Waxaa kale ee muhiimka u ah, inkastoo aysan ku jirin qudbadiisa Gettysburg ayaa ah in dib looga wadaxaajoodo heshiisyada ganacsiga sida North American Free Trade Agreement ee lala galay Canada iyo Mexico.

Wuxuu sheegay in heshiisyadan ay masuul ka yihiin shaqooyinka Maraykanka in dibadda la geeyo.

Mr Trump ayaa sidoo kale balanqaaday inuu xiriir dhow la samayn doono madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo uu sheegay inuu yahay hogaamiye adag.

Wuxuu balan qaaday inuu joojinayo heshiiska Iran ee nukliyeerka, inkastoo aysan cadayn sida uu uga bixi karo heshiiska oo ay saxiixeen lix waddan ee ugu awooda badan adduunka iyadoo la qorshaynayay 12 sano.

Ma ku guulaysan doonaa?

_92345847_capitolMadaxweyne Trump ayaa xukunka qabanaya iyadoo Aqalka hoose iyo Sanate-ka ay ku badan yihiin xisbigiisa. Wuxuu kaloo haystaa inuu magacaabo xubnaha ka mid noqon doono maxkamadda sare.

Qorshihii Mr Obama uu ka joojin lahaa shan milyan oo qof oo sharci la’aan ah in la musaafuriyo ayaa waxaa joojiyay maxkamad gobolka Texas , waana la hakiyay kadib markii maxkamadda sare ay ku kala qaybsantay. Arrintan ayaa ahayd mid ka mid ah go’aanadii uu qaatay madaxweynaha kaligiis ee aad looga soo horjeestay.

In la meel mariyo go’aankan ayaa hadda ay rajadeedu yar tahay intuu Trump yahay madaxweyne.

Laakiin dad badan oo ka tirsan xisbigiisa ayaa diiday inay taageeraan, inkastoo xisbigiisa uu hadda ugu awood badan yahay muddo toban sano ah.

Waxyaabaha la isku raaci karo waxaa ka mid ah in la hormariyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Clinton aiyo Trump waxay horay u balanqaadeen in bilaayiin dollar lagu maalgaliyo jidadka, buundooyinka iyo garoonada diyaaradaha. Laakiin xisbiga Jamhuuriga ayaa doonaya inay yareeyaan qarashka dowladda.

Waa kuma Donald Trump?

Donald John Trump wuxuu dhashay 14-kii June 1946 wuxuu ku dhashay kuna koray magaaladda New York , waa ilmaha afaraad nin hantiille ahaa oo ka ganacsan jiray guryaha oo lagu magacaabi jiray Fred Trump, inkastoo qoyskiisu hanti leeyihiin haddana waxaa la filayey in uu ka shaqeeyo shaqooyinka ugu hooseeya ee shirkadda Aabihiis laakiin waxaa loo diray kuliyad ciidan markii uu ahaa 13 sano jir ka dib markii uu si xun u dhaqmay.

Wuxuu waxbarasho ku qaatay dugsiga Wharton School ee Jaamacadda Pennsylvania , taasi oo keentay in Aabihiis uu u noqdo shakhsi uu la dhacsan yahay ee badala hawlaha maamulka ganacsigooda maaddaamma walaalkiis ka wayn oo lagu magacaabi jiray Fred oo doortay in uu noqdo duuliye diyaaradeed.

Fred Trump wuxuu ku dhintay 43 jir ah isagoo sababsaday cuduro ka dhashay cabista Khamriga, taas oo keentay in Donald Trump uu nolashiisa oo dhan gees ka maro cabista Khamriga iyo sigaarka.

Mr Trump wuxuu sheegay in uu ku bilaabay ganacsiga guryaha dayn lacageed “oo yar” oo aabihiis uu ka amaahday, ka hor intii aannu ku biirin shirkadda Aabihiis.Wuxuu ka caawiyey Aabihiis mashaaruiic ballaaran oo guryo looga dhisay degmooyinka magaaladda New York, isagoo markii dambe la wareegay maamulka shirkadda 1971-kii wuxuuna ka badalay magaca oo uu ka dhigay Trump Organization.

Aabihiis wuxuu dhintay 1999, isagoo 93 jir ah, “Aabahay wuxuu ahaa dhiirigaliyahayga” ayuu yiri Mr Trump.

Maalqabeen

_92353023__87741658_trumptowerMr Trump wuxuu ganacsigii qoyskooda ee dhismaha guryaha ee degmooyinka Brooklyn & Queens uu u rogay mashaarciida Manhattan isagoo dhisay Hotelka wayn Grand Hyatt, wuxuu sidoo kale taagay wadadda shanaad dhismaha caanka ah waxaa sidoo kale uu dhisay dhismayaal kale oo caan oo ay ka mid yihiin Trump Place, Trump World Tower, Trump International Hotel and Tower, iyo waliba kuwa kale oo badan.Magaalooyinka Mumbai {Hindiya}, Istanbul {Turkey} iyo Philippines ayuu ka sameeyey dhismayaal caan oo ah oo lagu magacaabo Trump Towers.

Mr Trump waxa kale oo uu dhisay hotels & goobaha lagu qamaaro ee loo yaqaan casinos, waxaase afar jeer uu diiwaangaliyey inuu khasaaray ama masilafay oo ah dhanka ganacsiga balse aan ahayn musalif shakhsi ah.

Mr Trump waxaa kale oo uu aasaasay barnaamijyo ganacsi oo warbaahineed sanadihii 1996 ilaa 2015, wuxuu ahaa mulkiilaha masraxiyadda Miss Universe, Miss USA, & Miss Teen USA beauty pageants oo ah bandhig lagu caleemo saaro gabadha ku guulaysata quruxda.

Sanadkii 2003-kii wuxuu ka bilaabay Telefishinka NBC barnaamij tartan ah oo loo galayo shaqo maamul oo laga qabanayo shirkadda Trump. Barnaamijkaas oo uu daadihiye ka ahaa 14 goor wuxuu sheegtay in ay uga baxday dhaqaale aan shaaca laga qaadin oo gaaraya 213 milyan oo doolar intii uu socday Barnaamijku.

Waxaa laga qoray buugag fara badan, waxaa kale oo jira waxyaabo ganacsi ahaan loo iibiyo oo magaciisa lagu iibiyo ka bilow Garafaati ilaa dhalada biyaha, sida uu qabo wargeyska Forbes hantida Trump waxaa lagu qiyaasay 3.7 bilyan oo doolar, laakiin isagu wuxuu ku adkeysanayaa in hantidiisu ku qiimaynsan tahay 10 bilyan oo doolar.

Say & Aabe:

donald-trump-iyo-reerkiisaTrump wuxuu guursaday sadex goor, inkastoo ay ugu caansanayd ,oo ahayd gabar ciyaaraha fudud ciyaari jirtay isla makaana ahayd, sidoo kalena dharka xayeysiisa, waxay isku dhaleen sadex caruur ah oo kala ah Donald Jr, Ivanka & Eric ka hor intii aanay diiwangashan furiin sanadkii 1990-kii, waxana ay gaartay in maxkamadda la iska dacweeyo taasi oo soo jiidatay saxaafadda arimaha gaarka ah ee dadka caanka ah ka faaloota.

Sheekooyinkaas waxaa ka mid ah eedeymo sheegayay in Trump uu si xun ula dhaqmay Ivana inkastoo markii dambe ay sheekada xoogaa qaboojisay.

Trump wuxuu guursaday sanadkii 1993-kii Marla Maples oo ay isku dhaleen gabar lagu magacaabo Tiffany balse waxay isfureen Marla sanakdii 1999-kii.

Sanadkii 2005-tii ayay is guursadeen xaaska hadda u dhaxda oo lagu magacaabo Melania Knauss, waxay isku dhaleen hal wiil oo lagu magacaabo Barron William Trump.

Ilmaha guurkiisii hore ayaa hadda waxay ka caawiyaan hawlaha socodsiinta shirkadda Trump Organization, inkastoo oo uu wali yahay madaxa shirkadda.

Musharax

Mr Trump wuxuu muujiyey dareen ah in uu u isu sharaxo Madaxweyne horaantii sanadkii 1987,wuxuuna is sharaxay sanadkii 2000 isagoo ahaa musharaxa xisbiga Reform Party.

Ka dib sanadkii 2008 wuxuu noqday dadka sida wayn uga hadla goobta dhalasha ee madaxweynaha haatan xilka ka degaya, waxay dhaqdhaqaas su’aalo ka keeneen in Madaxweyne Obama uu ku dhashay Mareykanka iyo inkale, laakiin sheekooyinkaas waxaa markii dambe ay daciifeen ogaanshaha in Obama uu ku dhashay Hawaii.

_92353027__92345165_fa3710f2-3e4e-4839-aa9d-4a3a06e471f8Mr Trump wuxuu ugu dambeyn qirtay inaanay waxba ka jirin eedeymahaas intii lagu jiray olalaha doorashada laakiin si guud uma jirin raaligalin sidii caadiga ahayd.

Ilaa bishii June ee 2015 Mr Trump si rasmi ah uguma dhawaaqin inuu u tartamyo tartanka aqalka cad.

“Waxaynu u baahannahay qof si rasmi ah oo dalkan kor u qaada dibna uga dhiga wadan weyn” ayuu ku yiri Trump hadalkiisii uu ku shaacinayey inuu isagu taagayo doorashada.

Hadalkaas wuxuu ku balanqaaday in musharaxnimadiisa aannu uga baahnayn wax dhaqaale loo ururiyo, wuxuu ku jawaabay inaanay jirinwax dano gaar ah oo uu leeyahay isla markaana uu yahay musharax siyaasadda dibad joog ka ah.

Halkudhega uu caanka ku yahay ee “Ameerika dib u waynee” wuxuu Trump xiliyo kala duwan jeediyey hadalo iska soo horjeeda oo ku dhisan balanqadyo ah lagu xoojinayo dhaqaalaha Ameerika, inuu ka dhisi doono darbi xuduudda dalka Mareykanku la leeyahay Mexico, isla markaana uu muddo cayiman dadka Muslimiimta ee imaanaya Mareykanka ilaa buu yiri “wakiiladda wadankeennu ay xaqiijin karaan sida wax u socdaan”.

Inkastoo ay dhaceen dibadbaxyo iyo kulamo waa wayn oo ka soo horjeeday olalihiisa oo ay saameeyeen musharaxiintii ay iska soo horjeedeen ee xisbiga Jamhuuriga sida Ted Cruz iyo Marco Rubio, Trump wuxuu noqday musharaxa rasmiga ee xisbiga Jamhuuriga .

Guusha doorashada

Olalaha doorashada Mr Trump waxaa si wayn ula degay dood iyo fadeexado ku ay ugu dambeysay cajalad laga duubay sanadkii 2005-tii isagoo hadalo anshax la’aan ah u gaystay haweenka, waxaana ay taasi keentay in xitaa qaar ka mid ah xubnaha xisbigiisa ay ku tilmaameen nin aan qalmin xafiiska.

Laakiin wuxuu u sheegayey taageerayaashiisa inuu hareer mari doono saadaasha doorashooyinka kuwaasi oo badankoodu muujinayey in Hillacry Clinton ay ku guulaysanayo doorashada.

Trump wuxuu ka qaatay dhiirigalinta guusha olalahii UK ay kaga baxday Midowga Yurub.

Inuu ku guulaysto waxay ka dhigan tahay wax aanay saadaalin ku bixin dadka arimahan ka doodayey inkastoo olalihiisu uu helay taageero xoogan oo la xiriirtay eedeymihii cusbaa ee dhanka emailada ee wajahay Hilliary Clinton maalmihii ugu dambeeyey ee olalaha doorashada.

Wuxuu noqon doonaa madaxweynihii 45 aad ee Mareykanka kaas oo aan waligiis loo dooran xafiis ama aan ka soo shaqayn ciidamada, taasi waxay ka dhigan tahay inuu mar hore taariikh dhigay ka hor inta aan loo dhaarin xafiiska madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka bisha January ee fooda inagu soo haysa.

Cida Faa’iidada Guranaysa

Haweenka uurka leh iyo kuwa ciidamada ka tirsanaan jiray ayaa laga yaabaa in ay ka faa’idaan madaxtinimada Trump. Ivanka oo ah gabadha uu ku curtay Trump ayaa aabaheed ka caawisay qorshe dumarka xaamilka ah ee aan loo ogolayn fasaxa dhalmada ay ku helayaan lix usbuuc oo faxas ah iyaga oo mushaarkooda la siinaya.

Trump waxa uu sidoo kale ballan qaaday in dumarkii dalka difaacayay ee ciidamada ka tirsanaa in uu kharash badan ku bixin doono sidii looga dawayn lahaa dhaawaca qarsoon isla markana uu kordhin tirada dhakhaatiirta ku takhasusay cudurada dumarka.

Dhinaca guul darreystay

_92355342_ivanka2Shakhsiyaadka ku dhaqdhaqaaqa arrimaha dumarka ayaa aad uga walacsan sida Trump uu ula dhaqmi doono haweenka ilamaha iska soo rida.

Haweenka dalkaasi ayaa hadda waxa ay xuquuq u leeyihiin in ay ilahama iska soo ridaan haddii ay sidaa doonaan. Balse haddii Trump uu madaxa maxkamadda ugu sareysa u magacaabo qof asal raac ah, waxa dhici karta in arrintaa sharci darro laga dhigo.

Ku xigeenkiisa Pence ayaa sisagana caddeystay mowqifkiisa ku aadan arrintan, waxa uuna sheegay in uusan marnaba taageereyn in naf la gooyo.

Dadka Trump ku eedeyn jiray in uu gaystay tacaddiyo dhanka galmada ah ayaa ka mid ah dadka aan maanta faraxsanayn. Dhawr jeer ayaa lagu eedeeyay in uu dumar six un ula dhaqmay oo uu qaarkood damcay in uu la galmoodo iyaga oo aan raali ka hayn.

Mar haddii Trump uu guuleystay, dadkii arrimahani ku eedeynayay ayaa sugaya in uu dhaqankaasi wax ka badalayo iyo in kale.

Muslimiinta: Dalka iyo dibadda

_92355345_khansTrump ayaa mar sii horreysay ka careysiiyay muslimiinta, waxa uuna sheegay in la basaaso masaajidda ku yaalla Mareykanka, waxa uuna intaasi ku daray inay tahay in laamaha ammaanka ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Msulimiinta.

Waxaa in badan la sheegay in Trump uu doonayo in si gooni ah loo diiwaan geliyo Muslimiinta Mareykanka, basle arrintaasi ayaa markii dambe waxaa beeniyay xisbigiisa Jamhuuriga.

Dhinaca Guuleystay

_92355349_muslimvoteWaa ay adag tahay in la sheego waxa ay Muslimiinta ka faa’iidayaan madaxtinimada Trump.

Qoraayaal Muslimiin ah ayaa muujiyay halis Muslimiinta soo wajahayso mustaqbalka, waxa ayna sheegayaan in Trump uusan waligii isku dayin in uu cod ka helo Muslimiinta.

Dhinaca guul darreystay

Dadka naqdiya siyaasadda Trump ayaa ku eedeeyay in uu faafinayo nacayb ka dhan ah Muslimiinta.

Kaddib toogashadii ka dhacday San Bernardino ee ay ku dhinteen 14 qof, Trump waxa uu ku baaqay in Muslimiinta laga mamnuuco in ay Mareykanka soo galaan basle arrintaasi ayaa la wada cambaareeyay. Dadkii baaqaasi cambaareeyay waxaa ka mid ah Pence oo hadda ku xigeen u noqonaya Trump.

Hadda waxay u muuqataa in Trump uu arrintaasi ka tanaasulay.

Dadka Hispanic-ga

_92355701_borderWaxyaabihii uu Trump ballan qaaday waxaa ka mid ahaa in kala xirayo Mareykanka iyo Mexico oo uu darbi dhexdooda ka dhisi doona.

Trump ayaa sheegay in uu musaafurin doono 11-ka milyan ee qof ee dalkaasi sharci darrada ku jooga.

Comments are closed