|

Madaxweyne Yaxye Jammeh oo wax ka badalay Go’aankiisii hore kadib markii xaalada ku adkaatay

Gambia 21. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha looga guuleestay Doorashadii ka dhacday dalka Gambia Yaxye Jammeh ayaa shaaca ka qaaday in uu wax ka badalay go;aankiisii hore , waxa uuna hada aqbalay in uu xilka isaga dego kuna wareejiyo Madaxweynaha la doortay Adama Barrow.

Yaxye Jammeh oo xalay Telefishinka qaranka dalkaasi shacabka khudbad uga jeediyay ayaa sheegay in uu aqbalay in uu xilka isaga dago si uu uga hortago in dhiiga shacabkiisa dhibic kamid ah uu si fudud ku daato sababna uu u noqdo .

Madaxweyne Yaxye Jammeh oo talada dalka Gambia hayay mudo 22-sano ah ayaa diidanaa in uu xilka ka dego kadib markii looga adkaaday doorashadii dhawaan dalkaasi ka dhacday, waxa uuna ku adkeesanayay in isagu wali Madaxweyne yahay.

Cadaadis xoogan uu kala kulmay Wadamada Galbeedka Afrika oo isku diyaariyay in ay xilka xoog uga tuuraan Madaxweynaha ayaa ku qasabtay in uu aqbalo in uu xilka isaga dego, waxaana wadahadalo shalay la qaatay qaar kamid ah Madaxda Galbeedka Afrika.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Gambia Adama Barrow oo hada ku sugan dalka Senegal ayaa la filayaa in uu ku laabto dalkiisa uu na xilka si rasmi ah ula wareego, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan uu is badalo ka dhaco dalka Gambia.

Comments are closed