|

Madaxweyne Xassan: Markale ayaan ku celinayaa dhoofinta dhuxusha waa danbi(Sawirro)

Muqdisho, Soomaaliya 17,04,2013 Madaxweynaha ayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ka qeyb-galay munaasabadda maalinta dhir beerida Soomaaliyeed, oo lagu qabtay Xarunta Villa Soomaaliya.

Munaasabdan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiirka Qeyraadka C/Rizaaq Maxamed Cumar, Wasiiradda Arimmaha Bulshadda  iyo masuuliyin ka socotay Qaramadda Midoobay. 

Madaxweynaha oo war kooban ka sheegay munaasabadda ayaa ku sheegay in ay danbi tahay in la jaro dhirta  lana dhoofiyo. “Waxaa jira sharciya ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay jaridda dhirta biloowgii 1970kii. Waxaa kale oo jira resolutiono ay soo saartay Qaramadda Midoobay oo ku aadan dhuxusha iyo dhoofinteeda. Waa lama huraan in la dhaqan geliyo sharciyadaan.”

“Markale ayaan ku celinayaa dhoofinta dhuxusha waa danbi. Dhirteena waxaa ku xeran nolosheena. Waa in aan hirgelino sharciyadda dalka iyo kuwa Caalamka si aan u badbaadno.”

Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha  wuxuu isla Madaxtooyadda ku beeray geed cusub lana dar-daarmay dhamaan shacabka Soomaaliyeed in guri walbo lagu beero geed

———
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Comments are closed