|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u quus gooyay qolyaha midnimada Soomaaliya colaada u isticmaala

Muqdisho Sept 17,2012(SDN)-Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisii caleema saarka ee shalay oo ay goobjoog ku ahaayeen xubno ka socdey beesha caalamka ayaa waxa uu uga hadlay wadahadalada u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyay nooca wadahadalada labada dhan dhex mara ay noqonayaan.

“Midnimada Soomaaliya 1960kii waxa ay ku timi rabtaan iyo caadifad dadku isu qabeen,hadii aaney sidaa ku soo noqona soo noqon meyso”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa mar uu ka hadlayay in aaney dawladiisu culeys saari doonin Somaliland si midnimo loo helo.

“Dawladeydu noqon meyso mid cadaadis ku saarata Somaliland midnimada,iyada oo loo marayo cadaadis Ciidan,beesha caalam iyo dhaqaalaba”ayuu yiri madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Waa markii u horeysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu sheego in dawladiisu aaney cadaadis ku saari doonin Somaliland oo sheegtay in midnimadii ay ka noqotay aan cadaadis lagu saari doonin midnimo.

Ama aan sheegin in midnimada Soomaaliya oo Somalilandna ku jirto ay midnimadeedu muqas tahay.

Khudbadan ayaa aad uga cadheysiisay dadka sida weyn u diidan qadiyada Somaliland ee doonaya in si muquunisa lagu soo celiyo.

Waxaaney filayeen in madaxweynuhu hanjabaad ku wejaho midnimada Soomaaliya oo uu hoosta ka xariiqo in midnimadu tahay muqadas.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed