|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shirar la leh Maamulka iyo Ganacsatada Gobolada Jubooyinka

Kismaayo 01.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa  kulamo la yeeshay ganacsatada gobollada Jubbooyinka.

Madaxweyne_Xasan_Sheekh_Kismaayo_2-640x480Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayay arrimo khuseeya ganacsiga iyo horumarinta gobollada Jubbooyinka.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu maanta booqdo xarumo dhowr ah oo ku yaalla magaalada Kismaayo.

Shalay ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud gaaray Kismaayo, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiinta ugu sarreysa maamulka KMG ah ee Jubba, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada.

Kismaayo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed