|

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Sheegay inay Dagaalka Al-shabaab Soo Af-Jari Doonaan Sanadkan 2014-ka

Addis Ababa:29-Jan-2014(SDN)-Madaxweyne Xasan can you help me with my homework Sheekh Maxamuud oo Haatan ku Sugan Magaalada Addis Ababab oo uu Kaga Qayb gelayo Shirka 22-aad ee Midowga Afrika, ayaa Sheegay Inay Guulo La Taaban Karo ka Gaadhay Xukuumaddiisu Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ay dagaalka kula jirto.

 

xasan shiikhMadaxweynaha ayaa sheega inay Sanadkan Dawladdiisu jiif iyo joogba u diiday Kooxaha ka soo horjeeda, isla-markaana ay caawimo iyo Taageero ka Heshay Dawladaha Jaarka ah, “ Sanadkaan waxaan ku bilaawnay guulo laga gaadhay cadawga dalka, anaga oo aad isku diyaarinay kaalmana ka heleyno saaxibadeena, waxaan ku qasabnay cadawga in ay waayaan meel ay ku nastaan kuna dhuuntaan. Waxaan saarnay culeys aysan u dulqaadan Karin, oo ka mid ah weeraro isdaba joog ah oo meel walba ah.” Ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray inay ka Go’an tahay inay Daqaalka ay kala horjeedaan Shabaabka Soo Gebogebayn doonaan Sanadkan lagu jiro, waxana uu yidhi, “Waan wadeynaa qorshaha cirib tirka Al-Shabaab. Howshaan, waa in aan soo af-jarnaa sanadkan 2014.”

 

Madaxda dalalka Afrika ayaa diiradda saari doonan agendaha 2063 oo dhigayo meesha qaaradda Africa la doonayo in ay gaadho sanadkaas.

Agendada ayaa waxaa ku xusan in qaaradda Afrika ay talaabo la taaban  karo  oo fiican qaaddo,sida dowlad wanaaga, dhaqaalaha, iyo horumarka.

 

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiaporanews.com

Comments are closed