Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Sheegay In Wasiirkii Shaqadiisa qabsan Waaya La Caydhin Doono, Isku-shaandhaynta La Hadal Hayana Beeniyey
Muqdisho:June,13,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad uga Hadlay warar la isla dhexmarayey oo sheegayey inay soo socoto isku-shaandhayn cusub oo dhawaan Golaha wasiirrada lagu samayn doono.
Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uu Beeniyey inay jidka kusoo jirto wax isku shaandhayn ahi, waxase uu u digay wasiirrada haatan shaqada haya, “Wasiirkii shaqadiisa qabsan waayo waa la diraa, laakiin ma jiro xukuumad la bedelayo” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa.
Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay warar hore u soo baxay oo sheegayay in Baarlamaanka Federaalka la bedelayo, waxa uu sheegay in wararkaasi ay yihiin ku tidhi ku teen iyo war suuq.
Dhinaca kale Madaxweyne Xasan oo ka hadlayay xaaladda amni ee wadanka ayaa sheegay in maanta ay ka wanaagsan tahay sidii shalay ay ahayd xaaladda nabadgelyo, isagoona tilmaamay inuu dalka ka dhammaaday dagaalkii qabiilka, balse ay jiraan rabshado yar yar oo ay wadaan kooxo nabad-diid ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com