|

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Reer Minnesota u Sheegay Horumar ay Adag tahay in Xukuumadiisu ku Guulaysato

Minnesoto:Aug,10,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo la Hadlay Kumanaan ka mid ah somalida ku dhaqan Deegaanka Minnessoto, ayaa sheegay inay Xukumaddiisu ku Hawllan tahay sidii dalka looga hirgelin lahaa horumar la tabaan karo.

mknMadaxweynaha ayaa sheegay inuu yimi Goobta uu ka hadlayey  u yimi inuu dadka uga waramyo dalkii iyo xaallada uu ku jiro iyo inuu dadka doonayo inuu dhegaysto oo uu aragtidooda qaato kadibna uu xalka raadiyo.

 

Waxa uu sheegay inay dawladda wax badani u qabsoomeen dhinaca ammaanka oo ay dhiseen ciidamo soomaaliyeed, isagoo ku dheeraaday inay dhibaato badan alshabaab ku hayso xukuumaddiisa, wxana uu tilmaamay in xubno badan oo alshabaab ka tirsani ay yihiin ajaanib balse Somalia kaliya ay xarun u tahay kooxdan

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inuu dalka dhawaan ka hirgelin doono waddo dheer oo dhererkeedu yahay qiyaastii 300-km, balse ma uu sheegin goobaha waddadan laga hirgelin doono.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in waddadani yeelan doonto ugu yaraan 20-biriish oo casri ah, taas ah waxqabadka ugu weyn uu uu dadkaas u sheegay madaxweynuhu.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu dadkii uu u khudbadaynayey u sheegay in sanadka 2016-ka uu daka ka hirgelin doono doorasho, isagoo tilmaamay inaanay muhiim ahayn in doorashadaasi ka dhacdo dhamaan dalka oo dhan, balse ay muhiim tahay kaliya in doorasho uun dalka ka dhacdo.

Mar uu madaxweynuhu  ka Hadlayey Muranka Dhibaatooyinka xukuumadiisa kaga imanaya Dhanka Maamul samaynta waxa uu sheegay In meeshii aanu maamul ka jirin ay doonayaan inay maamul u dhisaan balse halkii uu maamul ka jiro aanay dhibaato u geysaynin oo ay ixtiraamayaan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed