Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay António Guterres
Muqdisho April 11, 2023 (QJ) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan ballaaran kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, oo booqasho taariikhi ah ku yimid Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, caqabadaha jira iyo sidii hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya ay dadaal dheeri ah u geli lahaayeen sidii loo xaqiijin lahaa horumarka Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tilmaamay guulaha laga gaaray dhinacyada amniga, xasilinta, cafinta daymaha, dib u habeynta dhaqaalaha, iyo heshiisyada.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku dheeraaday caqabadaha iyo duruufaha adag ee ay dawladu soo wajahday oo ay ka mid yihiin abaarta, saamaynta isbedelka cimilada, barakaca iyo nabad-gelyada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahadceliyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, booqashadiisa uu ku yimid Soomaaliya waxa uu muujiyay sida ay uga go’an tahay in uu si dhow ula shaqeeyo Qaramada Midoobay si loo gaaro nabad, xasillooni, iyo horumar waara oo ka dhaca Soomaaliya.
Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, isagoo uga mahad celiyay Madaxweynaha sida diiran ee uu u soo dhaweeyay, wuxuuna qiray caqabadaha hortaagan dowladda Soomaaliya.
Waxa uu ku celceliyay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay in ay Soomaaliya ka taageerto dadaallada ku aaddan nabadda, xasilloonida, iyo horumarka.