|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Magaalada Marka Safar dhinaca dhulka ah ku Tegay

Marka 03.Sep 2013 (SDN)- Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar dhinac dhulka ah ku tagay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Xasan-Sheekh-Maxamuud1-300x237.jpg okMadaxweyne Xasan ayaa u kuurgalaya xaaladda gobolka Shabeellaha Hoose iyo sidii loo adkeyn lahaa ammaanka, sida uu Bar-kulan u sheegay afhayeenka madaxtooyada, Injineer Cabdiraxmaan Yariisow oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha.

Labo maalmood ayaa lagu wadaa inuu madaxweynaha ku sugnaado magaalada Marka, wuxuuna la kulmi doonaa maamulka KMG ah ee gobolka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala gadisan.

Xubnaha wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji, wasiirka garsoorka, Cabdullaahi Abyan Nuur, xildhibaanno iyo taliyayaal ciidan.

Waa booqashadii koowaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago magaalada Marka tan iyo markii uu xafiiska qabtay dabayaaqadii sanadkii 2012.

Madaxweyne Xasan ayaa horey u booqday magaalooyin ay ka mid yihiin Beledweyne, Baydhabo iyo Garoowe.

Marka SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed