Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Sheegay Inuu Ra’iisal wasaare ka Dhiganayo Nin Hore Uga Tirsanaa Xukuumaddii Farmaajo
Muqdisho:09-Dec-2013 (SDN)-Waxa Xarunta Madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia si xawli ah uga socda Tartanka Loogu jiro Jagada Ra’isal wasaare Saacid uu ka Baxay iyadoo ay soo baxayaan warar tilmaamay cidda xulashadu u janjeedho.
Wararka Hoose ee Halkaas laga Helayo, ayaa sheegaya inay haatan arrintu u dhaw dahay in la xusho shakhsi cusub oo aan hore magaciisa loo maqlin ama aan ahayn ragga loo saadaalinayo jagadaas.
Ragga ugu cad cad waxaa ka mid ah Dr. Xuseen Cabdi Xalane oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay dalka iyo dibediisa, isla-markaana loo arko nin aan qayb ka ahayn dhibaatadii somalia ka dhacday intii ay Burburka ku jirtey.
Xuseen Cabdi Xalane waxa uu kasoo jeedaa beesha Absame, waxa uuna ahaa wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii TAYO ee ra’iisul wasaare Maxamed Cabdi Farmaajo.
Xalane ayaa tagay Muqdisho shalay, waxaana lagu warramayaa inuu iminka booska koowaad kaga jiro liiska xubnaha uu madaxweyne Xasan Sheekh ka fekerayo inuu u magacaabo xilkaas.
Ka hor inta aan lagu dhowaaqin ra’iisul wasaaraha cusub wax walba ayaa is-beddeli kara, balse illaa iyo hadda xubnaha doonaya jagada waxaa lagu warramay inuu Xalane horboodayo.
Xaline inuu Noqdo Ra’iisal wasaaraha soo socda, waa tallaabo ay dad badani si aah u soo dhaweynayaan, waxana haatan jira dareen-celin Togan oo uu madaxweynuhu ka helayo arrinta ku soobsan xulashadiisa.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com