Madaxweyne Xasan Sheekh Oo KuLamo Gooni Gooni ah La Leh Hoggaanka Ciidanka Qalabka Sida iyo Nuxurka uu Kala Hadlayo
Muqdisho:23-Feb-2014 (SDN)-Dawladda Xasan Sheekh ayaa la Sheegayaa inay Ka Baaraan Degaysa Qorshe cusub oo La Xidhiidha Sidii ay Kooxaha Alshabaab ugu Qaadi Lahaayeen Hujuum Cusub oo lagu Beegsanayo Deegaano Gaar ah oo Kooxdu Haatan Gacanta ku Hayso.
Sidda qorshaha uu yahay haddii gacanta dowladda ay soo galaan degmooyinka Haatan laga Hadlayaa, waxaa loo sameen doono 7-guddoomiyaal KMG ah, taliye ciidan, guddoomiye maxkamad iyo sarkaal nabad sugida ka shaqeeya.
Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, wuxuu horrey u ahaa la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu dhawaan sheegay in dowladda iyo urur gobaleedka IGAD ay isku maandhaafsiisan yihiin sidda laga yeelayo iyo cidda maamulka sameeneysa Haddiiba gacanta lagu Dhigo Goobo ka mid ah kuwa Alshabaabku Gacanta ku Hayaan.
Wuxuu sheegay dowladda in ay dooneyso in ay iyada maamulka u sameyso degmooyinkan, balse IGAD ayuu sheegay in ay doonayaan in dadka deeganka ay sameystaan, isagoo intaas ku daray in Arrintaasi wali Taagan Tahay.
Madaxweynaha Somalia ayaa intii uu Turkiga ka Yimi ku Hawlanaa Fadhiyo uu la lahaa Hoggaamada kala Duwan ee Ciidamada Qalabka Sida, isagoo kala Hadlay sidii ay ugu diyaar Garoobi lahaayeen Dagaal Xoog leh oo lagu qaadayo Kooxaha Alshabaab.
Sidoo kale waxa uu Hadal ka Taagan Yahay Ciidanka Ethiopian ka ah ee Somalia soo Galay oo Tiradoodu Kor U Dhaaftay Toban kun oo Askari, halka Heshiiskii Hore ee Loogu Ogolaaday inay AMISOM Ku Biiraana uu ahaa Afar Kun oo Akari, balse Taasi ma ay Dhicin oo Ciidanku Tiradaas waa ay Dhaafeen.
Kooxaha Alshabaab ayaa iyaguna ka Warhaya in Lagu Soo Maqan yahay, waxana ay Haatan ku Jiraan Diyaar Garow adag oo la Xidhiidha Sidii ay iskaga Caabin lahaayeen Cududa kusoo Foolka leh.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com